WARBIXIN XAQIIQ KA HADAL AH:-Xassan Sheekh: “Dowladda Ingiriiska Ma Hilmaamayo”Qore-Maslax Ilka Case

25701257

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ayaa ammaan u jeediyay dowladda Ingiriiska oo ah cadawga kowaad ee ummada muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Ka sokow khudbadda uu ka jeediyay shirka London, waxaa jira wareysiyo uu si gaar gaar ah u siiyay warbaahinta qaar oo uu ku jira Taleefashinka Al-Jazeera qeybtiisa Ingiriiska. Madaxweyne Xassan ayaa war baahinta u sheegay inaanu waligi hilmaami doonin dowladda Ingiriiska oo uu ku tilmaamay mid caawineysa ummada Soomaaliyeed.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khudbaddiisii shirka ku muujiyay calaacal iyo cabsi uu ka qabo mujaahidiinta isagoona sheegay in caqabad caalami ah ay heysato dowladdiisa.

Madaxweyne Xassan ayaa u muuqda mid ay gaaladu dooneyso in ay ka dhigato mididii ugu dambeysay ee lagu gawraco ummada muslimka ee Soomaaliyeed.

Tusaale waxaa kuugu filan in dowladdiisa laga saaray kumeel gaarnimada si looga saxiixdow wax walba, waxaana jirta in Xassan uu saxiixa ka soke yahay nin u caaboon in gaalada la siiyo dalkeena sida laga dheehanayay khudbaddii uu ka jeediyay shirkii kooxda xiriirka caalamiga Soomaaliya ee uu ka qeybgalay. Xassan waxa uu shirkaasi ka sheegay in badda Soomaaliya tahay 12 meyl isagoona meesha ka saaray 188 meyl oo baddeena ah si gaaladu u qaadato.

Wax kale Iska dhaafe xitaa xeerka Badda Soomaaliya ayaa qoraya in cabirka baddeenu yahay 200 oo meyl. Sida indheer garadku sheegayaan Xassan Sheekh Maxamuud waa mididii lagu kala qeybsan lahaa inta kasoo hartay Soomaali weyn oo uu horey usoo kala qeybiyay Ingiriisku.

Wakaaladda wararka ee Harar, horey ayey uga hadashay qorshaha reer galbeedka iyadoona tilmaantay in xilligan lasoo gaaray waqtigii ay qorsheysteen gurashada kheyraadka dalkeena.

Hoos ka aqriso qorshaha reer galbeedka ee uu Xassan nala doonayo.

Cusuurtii dhexe ama 1800 wixii loo soo gaaray Yurubta waxay xoogga  saareen iney baaritaan dheer ku sameeyaan adduunka, kheyraadka ku jira, dadka ku nool iyo diimaha ay kala aaminsanyihiin si ay u gaaraan hadaf gumeysi oo dano badan xambaarsan.

Sahmiyaal fara badan ayey direen oo caalamka meel walba maray, markaas kadibna waxay ogaadeen in ay u suurta gal tahay markey Khilaafadii Cuthmaaniyiinta tabar dareyso in caalamka islaamka ay soo gali karaan islamarkaana qabsan karaan.

Sidaa bey wixii ka dambeeyay 1882kii kusoo galeen Soomaaliya iyagoo burburiyay Khilaafadii meesha ka jirtay, kadib waxay u dhaqaaqeen iney si khaas ah u sahmiyaan kheyraadka dalka ku jira oo uu raadadkiisu muuqdo illaa iyo maanta. Meel walba waxay mariyeen calaamado iyo wadooyin kuwaasoo loo yaqaano wadooyinka Ameerikaanka, wadooyinka Ingiriiska, wadooyinka Talyaaniga, wadooyinka Bortoqiiska iyo kuwa kale.

Sannadkee Ayey Go’aansadeen In Ay La Baxaan Kheyraadka Dalka?

Reer galbeedku waxay qorsheysteen in ay kheyraadkaasi la baxaan marka la gaaro 2010 inta ka sokeysana ay sii dajiyaan istaraatiijiyaddii ay ku fulin lahaayeen xoog iyo xeeladba.

1945 markuu gabagabada ahaa waxa loogu yeeray dagaalkii labaad ee adduunka ayaa ra’iisul wasaarihii ingiriiska Winiston Churchill iyo ururkii Sahyuuniyadda ee lagu aas aasay dalka Austoria waxay heshiis ku galeen wixii ka dambeeya 2010ka in Yahuuda dagto dalalka Geeska Afrika laga soo billaabo harooyinka Victoria illaa iyo Badda cas.

Reer galbeedku waxay Soomaaliya u ahayd keyd ay kor ka ilaashadaan oo ay u joogaan maamulo ay iyagu sameeyeen kuna dhaqma dastuur gaalnimo ah.

Markii ay meesha ka bexeen dowladihii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid islamarkaana hana qaaday xukuumaddii milatariga ahayd ayaa waxaa reer galbeedka soo wajahay cabsi ku aadan inaaney kheyraadka la bixi karin haddii ay sii jirto dowladdii Siyaad Barre oo ahayd mid wadaniyad aaminsan inkastoo ay diinta ka fogeyd.

Cabsida reer galbeedka ayaa waxaa sii xoojiyay markey arkeen in dadka Soomaalidu yihiin shacab isku mid ah, isku diin ah, isku madhab shaaficiyo ah, isku luqad ah islamarkaana ehel wadaaga.

Intaas kadib waxaa xooga la saaray in dowladaasi la dumiyo shacabkana lakala firdhiyo sidii horeyba loogu sameeyay dalal badan oo caalamka islaamka ka tirsan sida:- Indoniisiya, Al-jeeriya iyo Nayjeeriya si hadhow shucuub akhlaaq iyo diimo kala wato oo gaalo ah dalka loogu soo celiyo!. Arintaasi waxay ka dhacday Indonisiya, aakhirkii u dambeeyayna waxaa laga gooyay gobol dhan oo East Timor la yiraahdo.

Sidaa awadeed dowladdii Shuuciga ahayd ee uu hogaaminayay kaligi taliyihii Siyaad Barre waa la riday, kadibna waxaa shir lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaasoo safiirkii Mareykanka u fadhiyay uu ka jeediyay khudbad isagoo yiri “waxaan aad ugu faraxsanahay maanta darbigii Soomaaliya ku hareersanaa waa uu dumay waxaana jirta fursad muhim ah oo u bannaan dalalka daneeya arimaha Soomaaliya, waxaana ugu baaqayaa in arintaasi loo dhaqaaqo lagana faa’iideysto”.

Tallaabooyinka La Qaaday Burburka Kadib.

Si dagdag ah ayaa hawshi loo billaabay, xeryo qaxooti ayaa dadkii loo sameeyay, dagaal sokeeye ayaa wadanki laga oogay, qabqablayaal iyo jabhado ayaa la abuuray intaana waxaa dheer in ummadii in ka badan shan milyan lagu shubay Yurub iyo Ameerika kuwaasoo ay qaadayeen Kaniisadaha, ururada diimaha, baadariyaasha iyo hey’adaha.

In badan oo kamid ah dadkaasi waxaa loo badalay gaalo iyo kuwa aananba aqoon waxa ay yihiin kadibna dib ayaa loo soo celiyay iyagoo matalaya danaha Yurub iyo Mareykan.

Waxaa taa barbar socda hoos u dhaca dhaqaalaha reer galbeedka oo soo bilowday markii uu dagaalkii qaboobaa dhamaaday kaasoo wixii ka dambeeyay 2000 u xuub siibtay burbur saameyn weyn keenay, kadibna waxaa soo cusboonaaday dalab ah in la boobo dhaqaalaha caalamka islaamka ku jira sida:- Ciraaq, Afganistaan, Somaaliya, Nayjeeriya, Maali iyo wadamo kale si loogu kabo ra’sumaaliyada caalamiga ah ee uu burburka dhaqaale ku socdo.

Duulaanka hadda ku socda Soomaaliyana waxa uu qeyb ka yahay arimahaasi iyadoo xoogga la saarayo in lala dagaalamo inti la awoodi karo mujaahidiinta oo uu Allaah kasoo daahiriyay meel aaney raar galbeedku kusii tahsan istaraatiijiyad ahaan.

Soomaaliya waxaa hadda duulaan ku jooga lix wadan oo calooshood u shaqeystayaal ah oo ay soo kireysteen Mareykanka iyo Yurub kuwaasoo kala ah: Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi, Siiralyoon iyo Jabuuti.

Maxaa Ahmiyada Loo Siinayaa Soomaaliya oo Quwadahan Badan Loogu Soo Diray?

Dalka Soomaaliya waxaa ku jira kheyraad noocyo kala duwan leh oo aad u badan waayo marka dhaqaalaha caalamka laga hadlayo waxa ugu horeeya ee lasoo qaato waa shidaalka, Somaliyana waxay hodan ku tahay shidaalka sida ay shaaciyeen reer galbeedka qudhooda.

Shrkadda Conoco ayaa warbixin ay soo saartay sannadkii 2010kii ku sheegtay in dalka Soomaaliya uu kaalinta labaad uga jiro sideeda dal ee Afrika ugu shidaalka badan.

Shirkado kale oo ay kamid yihiin Afrika Oil iyo Ranger Resource ayaa sheegay in dalka Soomaaliya yahay wadanka labaad ee ugu nadiifsan shidaalka qaaradda Afrika.

Wax qarsoon ma ahan in uu dalkeenu yahay kan labaad ee Afrika marka Sudan laga yimaado. Soomaaliya wuxuu Allaah ugu deeqay macdan, dahab, dheyman, gaas dabiici ah, kalluun qareedka aduunka ugu qaalisan, beero 3 milyan oo hektar ka badan iyo xoolo nool oo kala gadisan.

Geela oo kale markaan tusaale usoo qaadano waxaa la yiraahdaa geela adduunka 70 % wuxuu joogaa Soomaaliya. Kheyraadka intaa la eg waxaa  heysta dad yar oo muslimiin ah ehelna isu wada ah, waana midda keentay in lagu soo duulo si gacantooda looga baxsho umad kalana loogu beero dalkooda.

Maxaa Caddeyn U Ah Arintaas?

Daliil waxaa kuugu filan dastuurka cusub ee ay gaaladu dajisay, markaan kasoo qaadano jinsiyada oo kale waxaa ku qoran qofka 5 sano hadduu Soomaaliya joogo waa muwaadin, waxaa ku qoran ilmo kasta cidduu doono ha u dhasho haddii dhul Soomaaliyeed laga helo waa muwaadin.

Waxaa kaloo ku qoran gabar kasta oo Soomaaliyeed meeshey doonto haku dhasho, cidey doonto ha u dhasaho, cunugey dhasho waa Soomaali.

Waxa dadkaas oo dhan loo Soomaaliyeynayo waa in dad lagu yeesho dalka si ay u fududaato in la burburiyo jiritaanka ummadeed kadibna loo qaato kheyraadka wadanka.

Si arintaasi loo fududeeyo waxaa kale oo dastuurka ku jira qodob lagu kala fogeynayo ummada Soomaaliyeed kaasoo oranaya “Soomaalidu waa laba jinsi oo kala ah Carab iyo Afrikaan, waxay ku hadlaan 3 luqadood oo kala ah: Maxaa tiri, May tiri, iyo Carabi”. Sirta ku jirta meehsaasi waa in Afrikaanta soo duushay is xijiyaan dadka qaar oo ay yiraahdaan annaga ayaad nala dhalateen.

Caqabad Adag oo Hor Taagan Boobka Reer Galbeedka

Xilligan aynu joogno aadanuhu wuu horu maray maskax iyo jir ahaan intaba, waana midda keentay in reer galbeedku si dhameystiran u gumeysan waayo ummad badan oo uu adoonsan jiray sida:- Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya waxaa ka hana qaaday Mujaahidiinta Al-Shabaab oo xiriir la leh jihaadiyiinta caalamka oo uu hadafkoodu yahay in ummada laga yureeyo cadawga laguna dhaqo diinta Islaamka oo barax tiran.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay awood u yeelatay in ay si cad u hor istaagto ujeedooyinka reer galbeedka ee ku dhisan gaalnimada iyo hagardaamada.

Mujaahidiinta waxay sameeyeen wax qabad taariikhi ah oo uu xitaa ku faani doono Soomaaliga gaalada la socda, waxay jilibka u aasteen oo ay iska caabinayaan lix wadan oo dhulka joogta iyo reer galbeedka oo hawada ka taageeraya dhaqaale iyo hubna siinaya.

Sidoo kale Mujaahidiintu waxay dadka ku baraarujiyeen dhagarta gaalada iyagoo baray in la iska dhicin karo taasoo keentay in dadku noqdaan kuwa jihaadka ku biiray, kuwa taageera iyo kuwa dhabbaha kusoo jira.

Qore-Maslax Ilka Case.

XIGASHO SABAAX.COM

http://sabaax.com/?p=1144

245303271

Banaadir Post.