DHAGEYSO-GABAY:-Federaalku Waa Faquuq iyo Kala Fogeyn Weyne, Qore:- Cabdullaahi Soomaali.

25707402Assallaamu Caleykum. Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay,Naxariis iyo Nabad gelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Gabaygaan waxaa la yiraahdaa Federaal waxaanuu ka sheekeynayaa isku xukumadda Dastuur federal ee maanta caalamka kufriga Soomaaliya u sameeyeen.

Inkastoo ku dhaqan iyo isku xukumidda dastuurada aadmigu qoray oo dhan aanay Shareecada Islaamku ogoleyn hadana midkaan federaalka ahi khatartiisu aad ayay u badan tahay.

Waxaan la soconaa in Dowladda Federaalka ah ee iminka ka jirta Soomaaliya Meelo ka mid ah iyo Maamulada kale ee Dalka ka jira badankood ay ku dhaqmaan dastuurkaas ama kuwa kale oo ay ul iyo diirkeed yihiin.

Waxa Muuqda ee Federaalku xambaarsan yahay waxaa ka daran waxa kusii qarsoon ee mar ay Midduyu Calool ku tagtay indhaha la saari doono hadaan iminka laga hor tegin asiga iyo kuwa kale ee la midka ah.

Waxaan  rejeynayaa in Abwaanada kale sidaan oo kale Maansooyin ka tiri doonaan Federaalka si dadka looga digo halistiisa.

25219531

Halkan Ka dhagayso Gabayga oo Maqal ah MP3

Walaalkey Abuu faatima baan filiyaa haddii Alle yirhaado in aanu ka aamusi doonin oo uu qalinka iyo warqadda isi saari doono sidaas oo kalena inta kalena waa u furantay in ay Maskaxdooda dib ugu shaqeysiiyaan.

foorida shisheeyiyo ragbaa firimbigii raace,

iyagaa fanuuntii filmiga faaqiday orane,

wax kastaba in looga fadhay feyl ku qorayaane,

rabbigay wuxuu faray ayay feer ka marayaane,

fuduushiyo naxli iyo kibar la foohaarku,

kuwa uu faniinshee ka riday fiinta buur dhagaxa

qarnigaan fircoonada jiray fiid u lulayaane,

fuliya wixii ay dhahaan fiirimahayaane,

in faa’iido uu leeyahay fuufta la hayaane,

Maantana waxay soo faraqqi federaal weeyaane.

federaaku waa feex bugtiyo fidmo ololeeye,

federaalku waa ficilki gaal ferenjigaahaaye,

federaalku waa faquuq iyo kala fogeyn weyne,

federaalku waa filim qarbigu furaha haayaaye,

waa qabyaalad faafeysa oo feyrus wadataaye

qarax iyo fool kaano daran weeye federaalku,

Faashiistaha in aad barida oo lala faqaa weeye,

ferin ferin u qeybiye Dalkii farah weynaaye,

waxa ay fangareynayaan fiifti Madaxweyne,

fogaan aragga weydiiyaan fahmi karayaaye,

doqon feyla weynbey rabaan oo ku fila soore,

Fir iyo qabiilkaada iyo faraca sheeg weeye,

Faan iyo is qaad qaad iyo hebel fig sii weeye,

Inagaa ka fiicane iyagu foos ma lahan weeye.

waa fikir gumeystuhu watoo  nagu fidaayaaye,

waa in aan kala firirniyo kala fadduunkeene,

faayo leyska daadsho iyo furuuryahoo dhiiga,

cirid kala faliiqmay iyo gowso kala fiigay

waa feer iyo in leys laadiyo fowdo socataaye,

faaliyaha warkiisa iyo cadaw ku feyl gooyay,

faalaraha midkii kula dhaciyo Maarta iyo faaska,

waa wuxuu dano faafi iyo fuli hadafkiiye,

waa fasaad dharaar joogiyo faaxisho caadane,

waa fansaari shaydaan wixii uu ku faraxyaaaye

waa furundugladood  iyo gaalo fadalkeede.

Duunyada adoo foofsadoo faqrinimo tuuray,

Walaalka inuu fuud iyo feen ka heli waayo,

Kuna fiirsataa baahida weeye federaalku.

Xaqqa,in aad fogeysoo xumaan filixsataa weeye,

Shareecada in aad fellista oo fasaxda weeyaane

fag in aad Islaamka ka tiri kana falaagowday,

sidaana farxad kula tahay weeye federaalku.

fiidnaam kufaarteediyo sidii faransiiska,

Nimankaa is fuul fuula ee firaash wada jiifa,

Qooman luud falkoodi iyo foolxumadi waagi,

fikirkaad niyootaba samee weeye federaalku.

Joon inuu Filsan guursado weeye federaalku,

fursad in ay kaniisado helaan weeye federaalku,

Fartuun iyo in ay Cali dhigtaan weeye federaalku,

faadumo Ninkii qabay hadday fahmi kari weyso,

in furriinka ay leedahay weeye fedeaalku.

Dumarkii fadhiya la yiri femilka qaarkiisa,

faruuryaha iyagoo marsaday fiinto waxaad mooddo,

xijaabkii iyagoo furoo feyday timahooda,

feermadiyo in ay leeyihiin fulinta howl dowlo,

oo farta ragga ugu wacaan weeye federaalku.

wax kastoo facaj laga qaboo fiicni lagu sheego,

fadeexado la naash naasho oo la isugu faano,

federaal waa laga helaa foolxumiyo hooge

iska feydo weeyaan iyo faqlo iyo roore.

federaal iyo wixii kalooy farac wadaagaanba

fin calool ku yaalliyo dhigan furuqa laayaaye,

fariimaha Ilaahay iyo waa firdhiya Diine,

waa furqaanka tuuroo Ibliis fataawihii qaado.

waxaa tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)
W/D Cabdullaahi Yaasiin  Jaamac

cyaasiin10@hotmail.com

23412865

Banaadir Post.