DHAGEYSO:-Aqooyahanno ka hadlay Natiijada laga filan karro Shirka London

25687008Proff Axmed Cabdi Xasan iyo Cabdullaahi Cali Yirid oo ku wada Sugan Dalka Ingariiska ayaa Alfurqaan kala hadlay shirka saacado ka dib ka furmaya Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

“Shirkan waxaa loogu talagalay in dhaqaale lagu uruuriyo  sida qarashka ku baxa Amisom,Dowladda Federaalka,Qaxootiga Kenya  iyo maraakiibta ku sugan Badda Soomaaliya,lacagta ugu badan ee la uruurinaya waxa weeye qarashka ku baxa Amisom”ayuu yiri Axmed Cabdi Xasan.

25687043

Wuxuu Sheegay shirka inay kasoo qeybgali doonaan 50 Dowladood oo ay ka dhex muuqan doonaan dalal carbeed oo horay ubixin jiray dhaqaalaha ku baxa shisheeyaha soo duulay.

“Puntland iyo Somaliland iyaga looguma talagalin shirka maxaa yeelay ciidamo ka socda Amisom ma joogaan deegaanadooda”ayuu raaciyay hadalkiisa Proff Axmed Cabdi Xasan.

Shirku wuu dhammaaday maxaa yeelay shirarka nuucaan marka la isagu yimaado waa wax horay loo soo dhameeyay,qola kasta wixii ay bixinayso waa laga soo qaaday,saddex saac oo qura ayaa la fadhinayaa sh kadibna waa la xirayaa iyadoo wax yaabihii laga hadlay Buug laga soo saari doonno”ayuu yiri Axmed Cabdi Xasan oo sheegay inuu ka soo shaqeeyay shirarka nuucaan oo kala ah.

25219531

HALKAN KA DHAGAYSO WAREYSIGA PROFF AXMED IYO YIRID.lite

Aqooyahanka Cabdullaahi Axmed Yirid oo lahadlay idaacada Alfurqaan isagoo Britain ku sugan ayaa ka hadlay shirka lagu casuumay in ku dhaw 50 Dowladood oo ka furmaya London.

“Waxaad moodaa in shirkii hore  wax badan uu  ka duwanyahay marka loo eego dadaalka Dowlada galisay,ujeedadanu waa in dhaqaale lagu uruuriyo iyadoo lagu howlgalayo magaca Soomaaliya”ayuu yiri Axmed Cabdi Xasan.

25687083

Sidaan la socono wadamadaan Yurub iyo Maraykanka dhexdooda kama jiraan musuqmaasuq muuqda, marka si dhaqaale loo helo oo xisbiga talada haya utanaado waxay sameeyaan wadamada dhibaatadu ka jirto ayaa taageero loo raadiyaa si lacag loo lunsado”ayuu yiri Aqooyahan Cabdullaahi Cali Yirid.

ISHA WARKA RADIOALFURQAAN.

25681555

Banaadir Post.