Xasan Gurguurte ayaa loo qaaday London waxaana halkaas maalinta berri ah ka furmaya waxaa loo yeeray shir”Shirqool” loo qabanayo Soomaaliya, si yabooho dhaqaale loogu ururiyo laakin ah sidii loo qaadan lahaa dhaqaalah dhex cegaaga dhulka Somaliyeed.
Ingiriis ayaa ah kuwii dhiibay dhulka Somaliyeed oo maanta ku jira gacanta cadowga Somaliyeed ee Kenya iyo Itoobiya oo ilaa maantana la rabo in la siiyo inta hartay oo sano iyo ka badan ay xoog ku joogaan.
Axmad Siilaanyo iyo Faroole ayaa si cad u diiday inay ka qeyb galaan shirka “SHARTA” maalinta barito ah ka furmaya magaalada London ee wadanka Ingiriiska.
Faroole ayaa Xassan dib ugu celiyay warqadda casuumaada shirka oo isaga loogu soo dhiibay, waxaana suura gal ah inuu ka carooday sababta Xassan loogu soo dhiibay warqadda ka qeybgalka shirka.Ma ila aha inay awood u leeyihiin inay diidaan howshan iyo ninka iska leh oo ah |Ingiriis oo wakiilka ah kuwa kale.
Dowladda Turkiga ayaa ka niyad jabsan natiijada kasoo bixi karta shirka magaalada London berri ka dhacaya oo ay ka qeyb gelayaan intabadan dowladaha ciidankoodu kusoo duuleen Soomaaliya.
Ordugan ayaa ka cudur daartay Casuumad uu Ingiriisku ku casuumay ka qeyb galka shirka London, “Ra’iisal Wasaruhu waa ka cudur daartay ka qeyb galka shirka London wuxuuna udiri doonaa Axmed Da’ud Oglo wasiirka arrimaha dibadda”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ordugaan.
Waxaa London sii gaaray Uhuru Kenyata oo la casumay,muhiim ka ah qorshayaasha cusub.
Maxaa ka soo baxay kii hore?
Banaadir Post.