Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha kasii baxaya, iyadoo ay muuqaneyso in xaaladdu kasii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.
Amini darrada waxay saameysan shacabka, ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda Federalka ah.
Haddaan shacabka ku hor marno waa kuwa dhibanayaal ah oo dil, dhac, boob iyo kufsi kala kulma ciidamada dowladda Federalka ah.
Madaxda dowladda Federalku wax ahmiad ah ma siiyaan wax ka qabashada dhibaatada ay ciidamadoodu u geysanayaan dad weynaha, taa badalkeedana waxay juhdi galiyaan ilaalinta ammaankooda.
Inkastoo magaaladu horey u ahayd mid lagu beegsado shisheeyaha iyo dowladda Federalka ah ayaa haddana waxaa isbuucyadii tagay joogto ka noqday dagaalada iyo qaraxyada ka dhanka ah shisheeyaha iyo federalka.
Haddaba maxay tahay saameynta ay yeesheen dhacdooyinka dhacaya, maxaa keenay in dowladdu xirto wadooyinka waaweyn? Waa maxay natiijada ka dhalatay xirnaashaha wadooyinka?.
Halkan Ka Dhageyso Warbixin uu Weriye C/fataax Filibiin ka diyaariyay Muqdiso.
ISHA WARKA RADIOALFURQAAN.COM
Banaadir Post.