Hay’adii Turkiga”TIKA” oo Joojisey Howlgaladii ay Muqdisho Ka Waday.

25660206Howlgaladii mugdiga badan ku jiray oo ay hay’adaha Turkiga ka wadeen magaalada Muqdisho ayaa hakad galay wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen howlgaladii lagu qaaday xarunta Maxkamadda Banaadir.

Qarax agagaarka Garoonka diyuuradaha Muqdisho lagula eegtay hay’ad Turkish ah 13-April,2013 waxaa ku dhintay 2 sarkaal oo muhiim u ahaa Turkiga 3 kalane dhaawac ayaa soo gaaray.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxii mashaariicda Turkiga ee Muqdisho uu xaalad kooma ah kujira taasi oo keentay in caqabad baahsan soo wajahdo howlihii gumeysi oo ay caasimada ka wadeen.

25660838

Waxaa kale oo qaraxyadii maanta ku waayeen dhowr sargaal oo howlo aan aqoon oo  kala duwan Moqdisho u yimid.

Dadka Moqdisho ayaa maalmahan danbe iska dhex arkay Turkida, maxaa yeelay waxaalagu arkay “Qowda Maqashii waxna how qaban” oo shuqul xumo lagu yaqaan caana ku yahay.

25662040

Turkida ayaa mudooyinka danbe u muuqday kuwa sii socday,waxaan hada siyaado ku ah amniga Moqdisho  oo la soo waayay.waxaa kale oo ay ogadeen inaan laga jeclayn Moqdisho,kuwaas oo horey looga soo diiday  Boosaaso iyo  Hargaysa.

Maamulka gobolka Banaadir ee DF-ka ayaa ku dhawaaqay in hakad lageliyay mashaariicdii Turkigu ka waday Muqdisho sida dhismaha iyo waxa loogu yeero taageeridda Hay’adda Federaalka!!.

25660551