DHAGEYSO:- Xijaabka Dumarka iyo Sheekh Boqolsoon,Raximahullah.

25667315Waxa mahad dhamaanteed iska leh, ALAH  abuuray samaawaadka, iyo arlooyinka, allahaasoo amray dhamaan khalqigu inay caabudaan, cibaado dhamaystiran, waxaan allaah ka baryayaa inuu ka amaano xaga sare NABIGA RASUULKA MUXAMED ah naxariista allaah iyo amaantiiso korkiisa ha ahaatee, saxaabadana  ALAH waxaan u waydiinayaa inuu raali ka noqdo, Intaa kadib.

Walaalayaal waxa dhamaanteen aan wada ognahay, inuu  ALAH ku waajibiyay dumarka islaamku, inay qariyaan cawradooda, si aan loo arag, ragga aan xalaasha u ahayna ayna u daawan cawradooda, sidaana allaah umuu doonin huurin, ama cuna qabatayne waa ilaalin, xaga allaah ka ahaatay subxaanahu,

Walaalayaal hadaba  hadaynu wada ogaanay taa waxa loo baahanyahay, in la ogaado faa,iidooyika ay ka helayaan dumarka iyo dadkuba waayo haday dumarku fasaadaan dadka iyo dalkuba waa fasaadayaa haday hagaagaana wa hagaaysaa inta kale

Hadaba hadalka, hadaan soo koobo waxa aad qabanayso, inta aanad qaban, ayaad iswaydiinaysaa, maxaad ka faa,iidaysaa, faa,iidooyinka ay ka helyaan dumarku, haday xijaabka qaataan waa sedan:-

1/5 Muxadaro – Xijaabka-Dumarka – Sheikh Maxamed Axmed Rooble Boqolsoon Raximahullah

1-Waa amarkii allaah oo ay fulinayso, allaahna waxa uu amaanay cid kasta oo amarkiisa waadata, oo wuxuu yidhi sameeyay oo wuxuu kadoonay fuliyay, ilaa allaah uu ka soo gaadhsiyay waxay liibaaneen liibaan waynnnnn,

2-Waxay ilaaliyeen sharaftooda, allaahna markuu waajibiayay xijaabka, waxa allaah uu yidhi, inay xijaabka qaataan ayaa u dhaw in la garto inay dhawrsoon yihiin oo a la dhibin,

3-Qalbigooda ayaa daahir noqonaya, oo nadiif noqonaya,

4-Akhlaaqdooda ayaa wanaagsanaanaysa, waayo islaamku waxa uu faray inay cawradooda asturan, waanay qaateen akhlaaqdaa fiican ,

5-Waxa xijaabku uu calaamad u yahay, inay gabdhaasi dhawrsoontahay,

6-Shaydaanka ayuu teed ka yahay, oo shaydaanku uma soo dhaafayo inta ay xijaabantahay halkaa waayo ilaalin alle ayay ku dul sugantahay,

7-Xishoodkuu ilaalinayaa, oo gabadha xijaabataa waa mid xihsootay,

8-Ragga ayay ka duwantahay, oo soo dhex gali mayso, oo way ka xihsoonayaan raguna,

9-Waxa uu ka ilaalinayaa zinada iyo qaawanaanta,

10-Waa asturri alle uu ku galadaystay dumarka,

Haku mahad naqeen dumarku.

Wabillaahi Towfiiq.

XIJAABKA GABAY

Banaadir Post.