Idaacada islaamiga ah Alfurqaan ayaa falanqeyn ku wajahan boobka lagu hayo Badda Soomaaliya u qabatay Injineer Idiris Xasan Faarax oo Finland ku sugan Qamar Haashim oo Joogta Franca iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo jooga Muqdisho.
Injineer Idiris Xasan Faarax ayaa sheegay Badda Soomaaliya inaysan ahayn 12 Mayl oo xitaa ay ka badantahay 200 oo Mayl.
Injineerka ayaa tibaaxay in Umadda Soomaaliyeed laga doonayo inay difaacaan una istaagaan qorshaha guracan ee ka dhanka ah Badda Soomaaliya.
Qamar Haashim ayaa dhankeeda sheegtay Dowladdaha Norway,Ingariiska,Fransiiska iyo Turkiga inay kaalin weyn ku leeyihiin boobka lala damacsanyahay badda Soomaaliya.
Qamar Haashim ayaa Tusaale usoo qaadatay Shirkado shisheeye ah oo qaar kamid ah leeyihiin dalalka ay xustay inay haddaba faraha kula jiraan qeyraadka Dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo kamid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka oo isna qeyb ka ahaa Falanqeynta ayaa sheegay inay ka warheleen qorshaha socda laakin baarlmanku aysan ogolaan doonin Badda Soomaaliya in lagu soo kobo 12 Mayl.
Halkan Ka Dhageyso falanqeynta badda Soomaaliya
ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.COM
Banaadir Post.