Sheekh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ugu horeyn utahniyeeyay Mujaahidiinta muddo saacado ah la wareegay gacan ku hayntii xarunta Maxkamada Gobalka Banaadir isagoo allaah ugu baryay in darajadooda uu koryeelo, shahaadadoodana ka aqbalo.
“Waa dhiiga shuhadada waxa fashiliyay duulaankii Mareykanku dalkeena ku soo qaaday,waa dhiiga shuhadada waxa Itoobiya u diiday inay qabsadaan dalkeena,waa dhiiga shuhadada waxa dumiyay shirqooladii gaallo raacyada ay kamid ahaayeen Cabduulaahi Yuusuf iyo Shariif Murtad,waa dhiiga shuhadada waxa burburin doona dabinnada Yugaandhayska iyo dabadhilifyadooda”ayuu Yiri Amiirka xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr.
Amiirka Shabaabul Mujaahidiin ayaa intaasi ka dib fariintiisa is dul istaag ku sameeyay laba arimood oo kala ah dhibaatooyinka Nidaamka Dowladda Xasan Sheekh ugaystay umadda Muslimka Soomaaliyeed iyo shirka ka dhacaya Dalka Britain.
“Waxay soo waarideen destuur ka dhan ah umadda Diinteeda,dhaqankeeda iyo danaheedaba la guna saleeyay rabitaanka dad shisheeya ah oo diin iyo dhaqan midna wadaagin,kitaabkii allana waa la tuuray”ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr.
HALKAN KALA DAG KALIMADA ABUU ZUBAYR AMA KU DHAGAYSO FLASH PLAYER
Abuu Zubayr oo looga bartay in fariimaha uu ku soo qaato gabayo ka hadlaya arimaha uu ugud binayo shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri.
Ma lahase Diintu waxay tahay dadku waannu garaninee.
Dibnaha ka ashahaadiye ma aha dabarka goosee.
Horta diintu waa dhaqan,destuur iyo axkaamba leh
Dowladoo Cadaalada ,maadada daliilo leh
Dagsan oo la kala qoray.
Aadniga Dantiisuye ilaahay udoorbiday.
Ninka daayacee Nacay.
Mid Ibliis udaabacay desutur kale ka yeeshee hawadiisa door bida.
Nin dafiray quraankii bal inuu ka duwanyahay iyo inuu ka daranyahay.
Danbigiisu waxa uu yahay diintee ku taalaa dunna la guma dhaafine miyaa si hoosba loo dayay.
Arinta Labaad ee Dowladdu ku dhaqaaqday ayuu Sheekh Mutaar Abuu Subeyr ku sheegay inay Jideeyeen oo ay gabood u noqdeen qabsashada Dalka iyo kala qeybintiisa iyagoo ku magacaabay Ciidamada gumaystaha soo duulay inay yihiin ciidamo nabad ilaalin.
Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr ayaa sheegay in ficilka Dowladdu ku qaabishay Shisheeyaha soo duulay ay keentay in Ciidamo ajaaniib ah qabsadaan Magaalooyin ka tirsan koonfurta Soomaaliya islamarkaana iyagii gaboodka u ahaa aanan wax tallo ah looga ogolayn.
Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab ayaa carabka ku dhuftay in ilihii dhaqaalaha gaallo utaliyaan,boobna lagu hayo khayraadkii dalka, iyagoo qalqal galiyay dhaqaalihii gudaha islamarkaana horseeday Sicir barar iyo qalalaaso sarif.
“Waxay horseedeen faafinta anshax xumada iyo duminta Aqlaaqda,amniga ay sugayaan iyo nabada ay wadaana waxay ku soo uruurtay in ciidamo shisheeye ku hogaamiyaan deegaamo aamin ah oo sharciga alle hoos harsanaya dadkana ay ka dhigaan wax barakaca wax la laayo wax la xerxiro iyo wax cabsada”ayuu yiri Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr.
Amiirka Mujaahidiinta Soomaaliya Sheekh Muqtaar ayaa sheegay in xabsi wadareedyo aan kala sooc la hayn si joogto kaga dhacaan Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo isla markaana dadka madax furasho lagu daayo halka kuwa kalana xabsiyada in la gala baxo maydkooda jidadka la soo dhiga.
“Arimaahasi aan sheegnay waa tan keentay Mareykanka in Ictiraaf iyo soo dhaweyn ku qaabilo Madaxda ridada maxaa yeelay waxay uxaqiijiyeen ujeedooyinkii ay rabeen”ayuu hadalkiisa kusii dhidbay Sheekh Mukhtaar Abuu Subayr.
Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab oo hadlayay qadar 10 daqiiqo ah ayaa sheegay in Nidaamka ridada fashilkiisu uu soo shaac baxay , wadiiqadii burburkana cagta saaray.
Waqtigii danaystuhu dhammaa,waana dhacayaanee.
Rag dhalaashadoo ciil qabaa dhuunta kala goynee.
Dhiig miirada waa la leyn , dhuuni raaca ah.
Dhagtaa dhiiga loo darri raggaa dhaafay samihiiyee.
Inshaa allaahu waa lagu dhugtami subaxaan dheereyn.
Sheekh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr ayaa kalimadiisa sidoo kale kaga hadlay Shirka London ee dhacay Todoba Bishaan May.
Sheekha ayaa sheegay in sadex qodob saldhig u yihiin shirka London ee marti galinayso Dowladda Ingariiska.
1-ayuu ku sheegay in la gula wareegayo ilaha dhaqaalaha iyo qeyraadka dalka wixii ka haray.
2– kala qeybinta dalka iyadoo lagu wajahayo waxa loogu yeeray Federaal.
3.in xukunka Allaah laga tago oo lagu bedasho xeerarka Ingariiska iyo Mareykanka.
“Ogsoonaada in dalka la qabsaday lana qaybsaday ,waxa idiin haystaa waa Itoobiya,Kenya iyo Uganda,dadka la adeegsananaya waa dad muuqa iyo magaca idinla wadaaga laakin Fekerka iyo Anshaxa la wadaaga gaalada soo duushay.
Ugu danbeyntii Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ugu baaqay shacabka inaysan ku kadsoomin balanqaadyada gaalada iyo gaala raacyada.
Banaadir Post.