Uhuru Kenyatta oo la shaaciyay inow ka qayb gali doono shirka London kadib casuumaad uu ka helay dowladda Ingiriiska!.

25646470

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa wadanka Ingriiska ayaa shaaciyay in Uhuru oo maxkamadda aduunku baadi goobayso lagu casuumay magaalada London inuu yimaado dhowaan.

Casuumaadda dowladda Britain ay u fidisay Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inay ku qotonto sidii uu kaga qayb gali lahaa shir dhowaan halkaasi ka dhacay oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayo kaasi oo ay martigelinayso islamarkaana agaasimayso xukuumadda David Cameron.

Guardian waxaa uu qoraalkiisa ku sii daray in sababta shirkaasi looga qayb gelinayo dowladda Kenya ay tahay kadib markii xukuumadda Britain ay u aragtay arinkaasi mid muhiim u ah qorshaha Soomaaliya ay ka damacsantahay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Ingriiska ayaa dhankiisa sheegay in xukuumadda London ay Kenya u aragto mid dhig wanaagsan la ah Soomaaliya islamarkaana ay mudantahay in lala socodsiiyo waxna laga weydiiyo sida Soomaaliya laga yeelayo.

Dhanka kale ilo ku dhow xafiiska Uhuru Kenyatta ayaa The Guardian u sheegay in masuulka ugu sareeya Kenya uu dhowaan u duuli doono magaalada London ee caasimadda wadanka Britain.

Dowladda Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada shisheeye ee ay taageeraan dalalka reer galbeedka ee ku duulay Soomaaliya iyadoo ciidamo diyaarado iyo gaadiidka gaashaaman u dirtay Soomaaliya si ay Shareecada Islaamka u dumiyaan.

Kenya naf ahaan waxay Soomaaliya ka doonaysaa dhul iyadoo aaminsan inay dhulka jubbooyinka juqraafi ahaan leedahay,waxaana laga yaabaa in ka qeyb galkeeda shirka London uu salka ku hayo sidii dhulkaasi loogu xalaaleyn lahaa islamarkaana xukuumadda Xasan Sheekh ee la waardiyeeyo loogu qancin lahaa.

Soomaaliya ayaa in mudo ah gacmaha shisheeye lagu kala goynayay iyadoo gacanta laga bixiyay dhulka galbeedka Soomaalida Ethiopia, NFD-da Kenya Soomaaliland iyo Puntland waxaana hadda la qorsheynayaa sidii inta hartay loo sii kala jari lahaa.

ISHA WARKA RADIOALFURQAAN.COM

24696953

Banaadir Post.