Dhawaan waxaa magaalada Addisbaba lagu soo gabagabeeyay kulan ay yeesheen madaxda ku bohooday ururka Igad waxaana shirkaasi looga hadlayay waxaa ay ugu yeereen arimaha amaanka geeska Afrika gaar ahaan wadanka Soomaaliya iyo maamul u samaynta Kismaayo,kaasoay daneeyaan Kenya iyo Itoobiya oo wakiilka ah wadamo Norway ku jirto oo taagan daaha gadiisha.
Shirka oo ay goob joog ahaayeen madaxweynayaasha wadamada gobolka ayaa shirka sanadkan waxaa loo qabtay wadanka Soomaaliya oo badanaa loo qaban jiray, kulankii shalay waa uu ka duwanaa kuwii hore maadaama xaalada gobolka ay isbadashay.
Madaxdii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa Xasan Gurguurte waxaaana uu u arkay kulankan mid ugu muhiiimsan ee ay gacantiisa ku soo gali karto magaalada Kismaayo oo in badan dowladdiisa loo diday inay wax go’aan ah ku yeelato maamul u samaynta magaaladaasi.
Waxaana khudbadiisa ku jiray calaancal ku aadan sidii maamulkiisa uu gacanta ugu dhigilahaa Kismaayo, waxaana uu ka codsaday madaxda wadamadaasi inay faraginta ay ka daayaan magaaladaasi gaar ahaan wadanka Kenya oo codsi gaar ah u jeediyay maadaama gaalaangalka ugu weyn ay iyadu leedahay.
Waxaa kaloo Xasan sheekh uu ka codsaday madaxda wadamadaasi inay kala shaqeeyaan xaalada amaan xumada ka jirta Soomaaliya, iyadoona badanaa la ogyahay inay wax ka soo qaad ahayn hadalada ay jeedinayaan madaxda Soomaaliya.
Waxaa ugu danbeyn lagu amray inow u hoos tago Kenya iyo hogaankeedacusub ee Uhuru Kenyata!
Xasan Gurguurte ayaa ah dabadhilif u adeega danaha gaalada geeska Afrika iyo kuwa soo dirsaday,wuxuuna gabi ka sii tuuri doona gaiga Somaliyeed iyo dadka ku nool hadii aan laga hortagin.
Banaadir Post.