Dardaaran wuxuu ka mid yahay gabayada Sayidka kuwii ugu dambeeyey. Waa dhiirigalin iyo dardaaran isku jira. Daraawiish oo Ingiriis diyaarado ku rusheeyey oo kasoo baxday dhulkii ay ka talin jirtay oo dhan, aadna u niyad jabsan ayuu Sayidku ku dagaalgelinayey. Wali xoogbaan leenahay gaalkana waynu iska dhicin karaa ee dagaalama oo yaan la isu dhiibin gumaysiga ayey dulucdiisu tahay.
“Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye
- Waa niman daboolmoo qalbiga, daabac kaga yaale
- Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne
- Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye
- Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilay
- Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne
- Igu diima aa ama dafarid, igula doodaab
- Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ah
- Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye”
- Wuxuu qeexay in uu isagu u xishay inuu gumaysiga dalka ka saaro, haddii uu maal iyo maamuus kale oo adduunyaad doonayana Ingiriis wax walba inuu diyaar ula ahaa ayuu xusuusiyey kuwii hadalka macno daradda ah usoo dhiibay. Wuxuu sheegay inuu ku dhiman doono jahaadka, diinta iyo koryeelidda kalimadda Alla.
Banaadir Post.