Dhacdada dhacday waxay ahayd mid uur ku taalo ku beertay shacabka reer Kismaayo ee maqal iyo muuqaal ugaran karay haweenay Soomaaliyeed oo Ciidanka Kenya ku dileen agagaarka garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay ku socotay Duqeyn Culus.
Inta aanan ka hadlin Ficilka foosha xun oo ay gaysteen ciidamada Kenya iyo qaabka uu u dhacay bal marka hore aan is dul istaag ku sameeyo qaabka dhacdada udhacay iyo sida ay u wariyeen qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida.
Hab u tabinta wararka la xeriira dil dhacay ama shaqsi cirdigiisa lagu xad gudbay waxay meel ku dhac weyn ku tahay anshaxa saxaafada waxaana ka dhalan kara haddii dowladdi jirto in qofka sharaftiisa la dhaawacay uu maxkamad tago isagoo dacwad ku soo ooganaya saxaafada ku xadgudubtay shaqsigaasi.
Qaar badan oo kamid ah dhalinyarrada Soomaalida ee ku shaqeysata mehrada saxaafada kama fiirsadaan warka ay qorayaan waxa ka dhalan kara.
Dhowr jeer Wariyayaal ka howlgala idaacadaha Muqdisho iyo mareegaha ku shaqeeya aalada Internetka waxaana kala dooday macluumaad qaldan oo ay ka fiirsasho la’aan utabiyeen.
Wariye ka howlgala website ahna tifaftiraha mareegta ayaa soo qoray in sheekh Xasan Yacquub Kenyaatiga ku dileen Magaalada Kismaayo isagoo warka uu qorayo ku xoojiyay waxaana ka soo xigtay illo wareed lagu kalsoonyahay oo ku sugan Magaalada Kismaayo.
Wariyaha warkaasi qoray aad ayaan ugaranayay muddo toban daqiiqo ah ayaan la doodayay naftayda oo aan kala hadlayay in wariyaha lagu siri karo dhacdada amaba illo wareedka uu ku kalsoonyahay si qaldan war ugu soo warin karaan.
Cudur daar badan kadib waxaan go aan ku gaaray inaan waco wariyaha aan ku saaxiibnay mehrada shaqo ee warka baahiyay si aan kala hadlo oo aan kaga saxo warka qaldan ee uu ugudbay bulshada ku taxan mareegtiisa, waxaana na dhex maray doodaan.
Aniga. Asc sxb hebal xaalada ka waran.
Isaga: waan fiicanahay walaal dhib ma jiro.
Aniga:sxb wax dhib ah dhankayga ma jiro waxaan kuu soo wacay inaan kaa saxo war qaldan ee wabka aad ku qortay oo ah in sheekh Xasan lagu dilay Kismaayo,marka sheekha lama dilin wuu noolyahay warkaasina lex maalin ka badan ayuu webka kugu jiraa sheekhana wuu nool yahay oo waxaa loo magacaabay waaliga Galguduud aniga ayaana dhagaysatay isagoo Galguduud laga wareysanayo.
Wariyihii aan la doodayay waxaan u shiday codka sheekha uu leeyahay waala dilay isagoo laga wareysanayo xaalka Galguduud.
Wariyaha saaxibka ila ahaa ee maalintaasi aan la dooday muddo ka badan lex daqiiqo ayaa warka ku soo gebagabeeyay hadal la yaab igu noqday.
Isaga: sxb waan ogahay inaan qalad saxaafadeed ku dhacay laakin ogoow aniga ayaa ugu talagalay oo warka maalintaan qoray ilaa iyo haatan dad badan ayaa aqristay, warbaahin badana wey iga qaateen laba faa’iidana wey igu jirtaa.
Maxay tahay faa’iidada aad ka heleysid beenta aad faafisay?ayaan weydiiyay.
Isaga: Tan koowaad waxaan ku helay aqritayaal badan Tan labaadna google ayaan lacag ka qaataa qof kasta oo webka soo gala warkaasi ayuu aqrisanayaa dad badana wuu usheegayaa sidaasi aniga lacag ayaan ku helayaa aqristayaashayduna wey kordhayaan”ayuu igu yiri wariyihii anigana taleefanka ayaan ku jaray.
Qaladaadka noocaan ah iyo kuwa ka daran ayaa maanta ka dhaca in badan oo kamid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Aan usoo noqdo dhacdada shalay ka dhacday Kismaayo, horta maxaa dhacay,?
Waxay ahayd xili duqeyn culus shabaabku ku wadeen Garoonka Kismaayo, ciidamada Kenya ayaa argagax laga dareemayay cid kasta oo kasoo ak dhawaato oo aysan garaneyn cadow ayay u ahayd.
Mid kamid ah haweenka ka shaqeeya xarunta shirka Kismaayo uu ka socdo ayay Kenyaatigu si bareer ah utoogteen iyagoo sheegay inay doonaysay inay isku qarxiso howlka shirka uu ka socdo
Muddo ayay goobta tiilay gabadha la toogtay mar danbe ayaa waxaa yimid aabahayd oo laga garano Kismaayo wuxuuna sheegay gabadhiisa inay shaah ukarin jirtay ergada ka qaybgalaysa shirka Kismaayo oo aysan wax shaqo ah ku lahayn falka lagu toogtay.
Saraakiisha Kenya ayaa ku dooday gabadhu inay ka dhaga adeegtay amar lagu istaajiyay,waxayna ku doodeen inay ka shakiyeen bac madow ay wadatay gabadha gabadhuna sidaasi ku toogeen.
Shaki ayaa lagu dilay iyo shabaabka ayay kamid ahayd oo waxay doonaysid inay is qarxiso waa laba war oo kala duwan oo macno kala gedisana laga dhadhansan karo.
Mid kamid ah saraakiisha Kenya iyo Aabaha gabadha dhalay oo isla socda ayaa gaaray halka gabadha lagu toogtay si loo ogaado inay ku hubaysnayd walxaha qarxa,waxaana la baaray bacda oo laga helay qudaar gabadhu wadatay,waxayna Kenyaatiga aabaha usheegeen inay baarayaan falka gabadha lagu dilay.
Dilkaasi dhacay oo argagax lahaa ayaa website-yo badan waxay baahiyeen in ciidamada Kenya ay qabteen gabar wadatay waxyaabaha qarxa islamarkaana gabadha lagu toogtay meel fagaaro ah.
Ma jecli in aan shaaciyo magacyada mareegaha warkaan baahiyay laakin kuwa badan ayaa si cad warka utabiyay iyagoo waliba warka uqoray qaab lagu marin habaabinayo sida uu udhacay dilka gabadha loo gaystay.
Haweenay shabaab ka tirsan oo doonaysay inay isku qarxiso howlka shirka Kismaayo uu ka socda ayay Kenyaatigu qabteen kadibna wey toogteen iyagoo ka hortagay qaraxa ay maleegaysay sidaasi waxaa qoray website badan.
Qaladaadka saxaafadeed ee ku aadan wararka laga tabay gabadha ciidamada Kenya toogteen waxaa kamid ah inaysan xaqiijisan masdar rasmi ah oo warku ay ka soo xigeen iyo in xuquuqdii gabadha muslimada ah ay dafireen iyagoo dusha usaaray inay ka tirsan tahay Mujaahidiinta Alshabaab.
Lagama fakarin oo la isma weydiin Carro intee la eg ayay ehelada gabadha u qaadi karaan mareegaha Soomaalida ee duudsiiyay xaqiiqii gabadhooda,imisa aqrsitayaal kugu taxnaa ayaad kuweyn kartaa warkaasi beenta ah ee aad faafisay.
W/Q Salaad yuusuf Gurey.
Email gurey350@hotmail.com
Isha Qoraalka waxay udhowrsantahay sabaax.com
Banaadir Post.