EVC Iyo E-maal, Anigu Waan Ku Oon Baxay, Isna Wuu Ku Abaarsaday!!. Qore:- Maslax Ilka Case.

25618222Shirkadaha isgaarsiinta ee dalkeena ka jira waxay muteysteen amaan iyo mahad celin, maadaama Allaah fadligi ay ku guuleysteen in ay horumariyaan dalkooda oo burbursan.

Ammaanta kuma eka shirkadaha oo kaliya, hayeeshee waxay sumcad usoo jiideen dalkooda iyo dadkooda, kadib markii ay ka horumariyeen shucuubta wadamo badan oo iyagoo dowlado leh inaga hooseeya, marka loo eego dhanka isgaarsiinta.

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud ayaa ugu horeysa kaalinta isgaarsiineed ee dalka, waxaana soo labeysa shirkadda isgaarsiinta ee Nationlink.

Adeegyadii ugu dambeeyay ee ay shirkadahan keeneen ayaa waxaa kamid ah EVC PLUS  iyo E-maal, waa adeegyo kugu saacidaya in aad hab Electaronic ah lacagtaada ugu keydsato mobilka, ku dukaameysato, ku xawisho, sidoo kalana ka dhax iibsato kararka ku hadalka.

Adeegyadan waxay dadka ku saacideen in ay lacagtooda uga badbaado tuugada wax baarata, halka markii hore laga qaadan jiray lacagta ay wataan oo ahaa kuwa u muuqanaya burcadda laakin waxaa jira qaabab kale oo ay adeegsadaan burcada marka ay doonayaan inay shacabka ka dhacaan lacagaha lagu keydiyo adeegyada aan soo xusay.

Si lamid ah adeegyadan ayaa waxay nasiino u sameeyeen in badan oo kamid ah dadka shaxaadka ku nool oo hawshoodu ahayd socod iyo gaari raac, shaxaadleyda oo laga yaabo in waqtiyada qaar ay soo hungoobi jireen iyagoo gaari raac iyo waqtiba lumiyay  ayey adeegyada EVC iyo Emaal u sahleen in uu walaalkii shaxaado isagoo gurigiisa jooga.

Intaa iyo in ka badan oo faa’iido ah ayey ummadu ku heshay adeegyada qiimaha badan ee ay inoo keeneen shirkadaha isgaarsiineed ee dalkeena.

Xailiyada qaar shacabka ayaa xuleys kala kulma adeegyada EVC IYO EMAAL maxaa yeelay iyagoo maqaaxi ka cunteeyay ayuusan adeegsa ushaqeyn oo waxaa dhacda in halkaa buuq uu ka dhasho.

Maqaalkan waxaan cinwaan uga dhignay (EVC Iyo E-maal, Anigu Waan Ku Oon Baxay, Isna Wuu Ku Abaarsay!).

Shaki kuma jiro in adeegyadani ku oon bexeen dad badan sida aan kor ku soo sheegnay, hase ahaatee waxaa iyana is dul taag mudan qeybta dambe ee cinwaanka oo ah (Isna Wuu Ku Abaarsaday).

Inkastoo dadka intiisa badan ku faa’iiday adeegyada EVC iyo Emaal, haddana waxaa ku khasaaray dadka masaakiinta ah, gaar ahaan kuwooda dawarsada ee lagu sadaqeysan jiray kunka ama labada kun ee shilinka Soomaaliga.

Waxaa taa ugu wacan iyadoo aaney lacagtaadu sarifneyn iyo qofki miskiinka ahaa oo aanan wadan Telefoon.

dad muxsiniin ah oo aad udoonayay inay lacagtooda baxsadaan ayay xiliyada qaar ciil is badaan maadaama lacagtu ay ugu jirto taleefoonka islamarkaana uusan awoodin inuu bixiyo xiligaasi.

Waqtiyada qaar wey dhacdaa in qofka miskiinka isticmaalo adeegyada lacagta, haddana waxaa adag in dadku wax ku sadaqeystaan marka ay arkaan qof labisan ama taleefan isticmaalaya.

Ugu dambeyntii waxaan ku talinayaa in shirkaduhu barnaamijyo u sameeyaan dadka masaakiinta ah, sidoo kale waxaan cid walba oo wax heysata usoo jeedinayaa inaaney ka caajisin sadaqada iyo caawinta walaalaha danyarta ah.

Waxaan leeyahay, walaalayaal ha hilmaamina in aad lacag yar jeebka ku qaadataan si aad u sadaqeysataan marka walaalihiin gacmaha idiin hoorsadaan.

W/Q Maslax Cabdi  Ilka Case.

25366038

Banaadir Post