Waxaa maalintii labaad xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay xanibanyihiin isu socodka gaadiidka iyo dadka.
Cabsi dhanka amaanka ah ayaa laga soo sheegayaa inay sababtay in qaar kamid ah wadooyinka la xiro.
Waxaa la soo sheegayaa in si aad ah looga feejiganyahay qaraxyo ay dowladda iyo ciidamada shisheeye sheegeen in Shabaabul Mujaahidiin doonayaan inay ka fuliyaan magaalada.
Shisheeyaha iyo maamulka Xasan Sh Maxamuud ayaa u muuqda inay ku fashilmeen inay sugaan amaanka Muqdisho iyadoo Shabaabku siday rabaan ka yeela Muqdisho.