WARGALIN IYO CODSI:-Qoys gurigooda xoog lagu heysto oo codsi u diraya Xasan Guurguurte iyo guud ahaan Shacabka Soomaliyeed.

25591565Ugu horeyntii waxaan salaamayaa dhamaan umada Soomaaliyeed meelkastoo ay joogto, salaan kadib Waxan maanta halakaan ku soo gudbinayaa arin aan rabno in aan la wadagno umada Soomaliyeed ee jecel nabada iyo xaqa, anagoo weydiisaneena in ay gacan naga siiyaan arintan aan la dhibtoonay oo gurmadka u baahan.

Ugu horeyintii waxaan aad uga xunahay in nin magaciisa la yirahdo Yusuf Warsame Afrax oo mudo aad u dheer uu xoog ku heysto Gurigeena oo ku yaala maagada Muqdisho, ninkaas oo ah agasimaha xamaaliysha dekada Moqdishu, ayaa diidmo xoogana ka muujiyay inuu gurigeena aan anaga leenahay uu nasiiyo.

Waaxa nahay Ilmo Xuseen Farax Warsame (Xussein Baadi) oo aad looga yaqaan dhamaan Soomaaliya, Waaliddkeen waxay dhinteen anago aad u yaryar, waxan xamar ku leheen guri ku yala xafada Boondheere, waxa uu ka danbeeyey xarunti Ciidanka nabadsuguida(NSS) , oo loo yaqanay Godkii Jilacow.

Allaha unaxariistee Abaheen waxa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidankii Bosliska Somaliyeed, waxaa loo yaqanay Xuseein dheere, waxan  guryaneena iyo dalka oo dhan ka cararanay waqtigi Soomali oo dhan ay qaxday, oo ay jireen dagaladi sokeeye 91-kii, waxan soo wakiilanay walaashen ay dhashay eedaden Xawo Farax Warsame (Xaawo Baadi), waxay u tagtay ninki gurigeeni haysta waxay tiri gurigan anaga leh ee nooga bax,

Ninkii ayaa ugu jawaaaby celiyay gurigan waxan ka gatay nin Murursade aha oo dhintay, waxay u tagtay nin walalkiis ah oo magaciisa la yiraahdo Muxyadin Warsame Afrax , oo ka mid ah ururada Bulshada  iyo labdi iiman ee qabiilkisa u sareeyey, waxay la qabteen ama ay isku dayeen haba yaraatee ma jirto , gurigi oo u dayctiraya oo weliba markuu dayac tiraayey aan dad usoo dirnay tiro ka 3 jeer oo uu diiday in uu joojiyo shaqada uu ka wado, markuu dhameyey dayactirkiina waxa degay niman Wasiiro ka ahaa dowladhi sheekh Shariif , waa dowladi  mida hada jirta ka horeeyey sida wasiir Goodax Bare, kadib waxa degay nin la yiraahdo Xoosh , oo waa dhaweyd ka guuray , hadana waxa degan oo kiro ugu jira nin naloogu sheegay in uu yahay Agasimah Madaxtooyada , magaciisana la dhoho Kamaal Guutale.

Walaashen waxay tagtay gurigii , waxa joogay oo la kulanatay xaaskii Kamaal , ooy ku tiri gurigaan agoon baa leh ee isga baxa ,una sheeg ninkaada hadusan ogeen, ilaa waa laga ijaartaye, Kamaal Guutale,  weli waa deganayahy oo kiro lacag badan ah ayuu ku bixiyaa kiradaaso nalooku sheegay ilaa $2500 doolar.

Waxaa nagu kalifay in aan qoralakaan soo bandhigno oo aan kaalmo iyo gacan weydiisano umada Somaliyeed si aan xaqeeni iyo gurigeeni u helno , gaar ahaanMadaxweynaha iyo raisulwasarah iyo gudoomiyah barlamanka , anago ka codsaneeno in ninkaas naloka qaado gurigeeni uu xooga nooga qaatay, ninka gurigeena heysta waxa magaciisa la yiraahda Yusuf  Warsame Afrax, waa agsimaha xamaaliyaasha dekada maqdishu.

Waxan umada  islaamka ah ee Soomaliyeed  iyo doowlada Soomaliyeed  ka sugeynaa jawaab iyo waxqabasho, iyagoo xaqa u hiilinaaya in ay gurigena ninkaas xooga iyo xaqdarada nooga heysta naloka qaado.
Mahadsanidin.
Ilmo Xussen Farxa warsame (Xusein Baadi).

16_MAR_2013-copy

 

VIDEO:-Hantida lakala heysato iyo Cagmadhige!!

Banaadir Post.