Iyagoo watta qoryaha darandooriga u dhaca, gentaalaha garbaha laga geno iyo gaadiid tegniko ah oo uu ku xiran yahay hubka lidka diyaaradaha ayay boqolaal ka tirsan askarta Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Maanta dhoolatus ku soo bandhigeen Deegaanka Ambareeso iyo Magaalada Baraawe ee Gobalka shabeelaha hoose.
Qaar ka mid ah Culumada Diinta Islaamka oo ay ka mid yihiin Sheekh Jaamac Cabdi-salaan iyo Sheekh Cabdulaahi Raabbi iyo Saraakiil Mujaahidiinta ka tirsan oo uu ka mid yahay Waaliga Gobalka Shabeelaha hoose ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa daawanyay dhoolatuska iyagoo Markii dambena Ciidanka kula hadlay dhul Baaddiye ah oo Ambareeso duleedkeeda ku yaalla.
Ciidamada ayaa ugu dambeyntii socod ku soo maray Ambareeso oo shan kiilow Mitir Baraawe u jirta kadibna waxa ay iyagoo takbiirsanaya soo dhexmareen qaarka mid ah xaafadaha Degmada baraawe.
Halkan Ka Dhageyso Kalimadda Sh Abuu Cabdalla
Halkan Ka Dhageyso Kalimadda Sh Cllaahi Raabi
Halkan Ka Dhageyso Kalimadda Sh Jaamac Cabdi Salaam
Hoos Ka Daawo Sawirrada.
Isha Sawirrada: Radio Alfuqaan.
Banaadir Post.