AYAX TAG EELNA REEB:-Nicholos Key oo Ingiriis ah ayaa lagu bedelay ninkii Somalida Seediga la ahaa Mahiiga.

25588387Waxay ugu yeereen xoghayaha guud qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa Nicholas Key oo u dhashay dalka Ingiriiska  u magacaabay ergayga cusub ee u matali doona faraglinta lagu hayo dalka Soomaaliya.

Nicholos Key oo si buuxda ula wareegi doono shaqada xafiiskiisa ayaa badelaya Augustine Mahiga oo udhashay dalka Tansaaniya,Somalida seedi u ah,aadna u bartay afka Somaliga, Waana dhisay maamulkaXasan Gurguurte ee kajira  Villa Somalia iyo dastuurka ay ku shaqeyso oo Soomaalidu u yaqaanaan Dastuurkii Mahiiga!

Dowladda Ingiriiska  oo sii laba jibaartay faragalinta ay ku hayso dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay iyada ka danbaysay magacaabista Nicholos Key oo horay usoo noqday safiirka Dowladda Ingiriiska  u fadhiyay Suudaan, Congo  iyo Agaasimaha guud wasaarada Dibada Ingiriiska  u qaabilsan qaarada Afrika.

Magacaabista ninkan  ayay Dowladda  ku soo aadisay xili bisha May London uu ka furmayo shirka ay u qabanayso Soomaaliya waxaana la sheegay Nikolos in si rasmi ah shaqada ula wareegi doono 1-da Bisha May.

Dhawaan ayay ingariisku waxay safaarad ka furteen xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho iyadoo Britain danno weyn ka leedahay dalka Soomaaliya.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo gabaygiisiicaan baxay ee Dardaaran

“Igu diima aa ama dafarid, igula doodaaba

Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ahe

Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye

Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye

Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye

Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin”

25557970

 

Banaadir Post.