Aqooyahan gabyaa ah ayaa cabiray xaalada Jubbooyinka iyo ismarin waaga ka taagan Kismaayo.
Hadaba Aqris wacan Shiribka.
Intaad ujeeday Jaamacoow jarmaadayaa adoo jilbeysan
Waxaan jeclaaday Jubaland jiilaal abaarna joogi maayo
Minaad jeclaatay Jubaland walleen majoogo Jeeshki Kenyo
Intaan lajiifo oon la joogo jidkaan tusaa jikaari maayo
Jufo adeeg ku jeenan doono ar maad kajoogtid waa jabkaahe
Maheey Jahiir ya Shiikh jawaanba jago rabaan an xeyga joojay
Jabhad abuur ya jaad cunoow jinkood madhaaftid Jaamacoow
Rag woow jabaa woxoow jantee waxaan jafaa jidgooyadeyda
Ma ninkii jafaaliyaa jid yeesha janan ya tuugba waa jiraane ?
Tobanki jeese reer januuni ninkii dhexjooga yoow jawaabi
JAC YA KHEYR MID UUN KUJIIFO JEEGO GOYN NA WAA JIRTAAHE
Jaljaleecsiyaan jalbeeb maraa asaan jucsaa muggaan ujeedo
W.T-Xagaleey.
Banaadir Post.