SWEDEN:-Muslimiinta Sweden oo loo ogolaaday in Todobaad kasta Aadanka hal mar la maqlo!.

25557787Markii ugu horreysay waxaa dalka Sweden laga ogolaaday in dadka Muslimiinta ah ay Aadanka Maqlaan Todobaadkii hal mar, arrinkaas oo dadka u dhaq dhaqaaqa Jaaliyadda Muslimka ah ay ku sifeeyeen tallaab horey loo qaaday.

Maalintii  Jimca aheyd waxaa dadka Muslimiinta ah ee ku nool magaalada Stochlom ay Aadanka Salaadda Jimcaha ka maqleen Masjidka Vita ee ku yaalla gudaha magaaladaas.

Ismaaciil Oker oo ah Gudoomiyaha Jimciyadda dhaqanka islaamiga ah ee dalka Sweden oo halday wuxuu sheegay: “ in maanta ay tahay maalin muhiim u ah dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Sweden”.

Wargeys kasoo baxa dalka Sweden oo faallo ka qoray tallaabta loogu ogolaaday dadka Muslimiinta in todobaadkii mar kaliya Aadaankooda la maqlo ayaa soo xigtay haweeney Muslimad ah oo qeyb ka aheyd dadkii ku tukaday Masjidka Vita.

“ Farxad aad u weyn ayaan dareemay markii ugu horreysay ee Aadanka aan ka maqlo gudaha magaalada Caasimadda, runtii waa arrin aad u farxad badan” ayay tiri haweeneydaas Muslimadda ah.

Booliiska magaalada Stochlom ayaa sheegay inay ogolaadeen in todobaadkiiba hal Aadanka laga maqlo Masjidka Vita ee magaalada Caasimadda, iyadoo mudada la ogolyahay in Aadanka uu socdo ay u dhaxeyso (3-5 daqiiqo).

Muslimiinta ku nool dalka Sweden iyo dalalka kale ee reer galbeedka ayaa waxay wajahayaan cadaadisyo badan oo ay ugu weyntahay waxbarashada dhanka Diinta iyo dhaqanka, waxaana Jaaliyadaha Muslimiintu ay wadaan dadaallo ay Dowladda uga dhaa dhicinayaan in Muslimiintu ay helaan xorriyad intan ka badan, si ay Shacaa’irtooda Islaanimada ahh u muujiyaan.

25465606

Banaadir Post.