Maxamuud Xasan Rooble Gudoomiyaha ku xigeenka dhinaca Amniga Balcad ayaa sheegay In Gudaha Degmada iyo wadada isku xirta Balcad iyo Muqdisho xiligaan yaalaan isbaarooyin Maleeshiyo beeleedka Dowladda ay ku qaataan lacago baad ah.
“Gudoomiyaha ugu sareeya maamulku tan iyo markii la magacaabay wuxuu ku sifoobay in lacago baad ah uu ka qaado shacabka ku dhaqan Balcad, Anigana shaqo kuma lihi xad gudubka lagu hayo shacabka”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Balcad.
Dowladda ayuu ugu danbeyntii ugu baaqay inay soo faragaliso dhibaatada maamul ee ka jirta Degmada Balcad ee shabeelaha Dhexe.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye ku xigeenka Balcad
Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise kabakutukade ayaa wacad ku maray in wilaayadu u hiilin doonto shacabka ku dhaqan degmada Balcad oo dhibaatooyin kala duwan kala kulmay maamulka iyo Maleeshiyo beeleedka dowladda ee kusugan Balcad.
Halkan Ka Dhageyso Hadalka Waaliga Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Sheekh Axmed
ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.
Banaadir Post.