Iyadoo Muddooyinkii lasoo la dhaafay Magaalada Kismaayo uu ka taagnaa Kadeed ka hadalkiisu uu aad ugu batay Soomaalida dhexdeeda, Goobaha Fadhikudirika loo yaqaannana sheekkada ugu shidani ay ahayd kahadalka Kismaayo, Ayaa haatan waxa muuqaneysa in Jawigu uu sii kacay islamarkaasina Soomaalida kuwooda Fadhikudirirka xiiseeya ay raadinayaan dhammaantood Aqbaarro faahfaahsan oo sida ay iyaga la tahay ay ku diirsadaan kuna weeraraan dhinacyada ka argtiyada duwan ee ay isku karbaashaan Dagaal-Fadhiyeedka.
Magaalada Kismaayo ayaa Maalin kahor waxa gaaray Barre Hiiraalle oo Muddo 10 Sano lagu qiyaaso Maamul uu Madax ka yahay ay Magaaladaasi ka arriminayeen. Warbaahinta qolaba si ayey u sheegtay qaabka uu ku tagay magaalada Kismaayo, Isaguna ma’uusan faahfaahin qaabka uu ku yimid magaalada iyo Cidda ka caawisay soogelitaanka Magaaladatoona, Waxana Dadka Barre Hiiraalle Mucaaradka ku ah gaar ahaan Maamulka KMGka ah ee Kismaayo ay si kabadbadin ah u sheegeen in Barre iyo Ciidan Beeshiisa ah oo ku dhow 80 ay Doon ku yimaadeen Magaalada Kismaayo Xilli Habeen ah, waxana ay yiraahdeen waxa soo dirtay oo Arrinkaas ka dambeysay Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh.
Taageerayaasha Barre Hiiraalle ayaa iyagana hadlay waxana ay ku andacoodeen in Col. Barre Hiiraalle uu yahay Sargaal ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, Waxay yiraahdeen Col. Barre waxa uu kasoo jeedaa Deegaannadaas masiirkooda iyo Maamul-usameyntooda lagu muransanyahay, Waxana Waajib ku ah beey yiraahdeen in uu ka qeybqaato Maareynta iyo Badbaadada Shacabka Deegaannadaas ee Masiirkooda Ciddii ka arrimin lahayd la’isku haysto, Muhiimna ma’ahan beey yiraahdeen in lagu mashquulo oo laga hadlo Qaabka uu Col.Barre Kismaayo ku tagay.
Shacabka farakutiriska ah ee Waddiniyiinta Soomaaliyeed ah ayaa Iyagu waxay ku qosleen Labadan qolo ee kore ee kala taageersan Kaambooniyiinta iyo Barre Hiiraalle, waxayna yiraahdeen, Labadiinan Qolaba waad qaldan tihiin, Qolada Taageerayaasha Kaambooniyiinta ayey Marka hore u jawaabeen waxayna ku yiraahdeen:-
“Waxaad u haysateen in Kenya kaligeed ay Koofurta Soomaaliya Siyaasaddeeda ku-Amarkutaagleyn karto oo Kooxda ay iyadu u haysato in ay ku shaqeysan karto ay Maamulka Jubbooyinka Madax uga dhigi karto balse waad dawaqdeen oo waxad Illowdeen Itoobiyadii Ciidanka ugu badan uu Soomaaliya uga dhintay in Iyaduna ay Koofurta Soomaaliya iyo weliba Ilaha Dhaqaalaha Kismaayo ay il gaar ah ku eegeyso, Waxadna ka’ilduufteen in aad wax ka barataan Taariikhihii ay Soomaaliya soo martay labaatankii sano ee lasoo dhaafay oo waxaad garan weeyseen in aad Aqrisaan ama baartaan Itoobiya Ciilka ay ka qaadday Dhaqqalaha Ciidamada AMISOM lagu siiyo Arrimaha Soomaaliya, halka Iyada (Itoobiya) oo isku haysata in Awoodda Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya mid ku saddex-jibbaaranta ay ku leeyihiin, Dhaqaalihii lagu siin jiray Soomaaliya intiisii badneyd laga jaray, Dhibaatadii iyo Dhimashadii Ciidankooduna uu kusii batay.
“Waxad ku baraarugi weeyseen Gooddintii Itoobiya ay ku gooddineysay in Ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya waxa ay uga jeedday iyo Gorgortankii ku jiray, Waxadna aad fahmi weeyseen Is-afgarashadii Kenya Iyo Itoobiya ay dhawaan ka gaareen Arrimaha Soomaaliya, Waxadna aadan dhegihiina u furinina oo adan maqlinina Shirkii jaraa’id ee ay Hoggaamiyayaasha Kenya iyo Itoobiya maalmo kahor magaalada Na’robi ku qabteen ee ay ku sheegeen in ay isku fahmeen Arrimaha Soomaaliya. Itoobiya Iyo Kenya in ay Kismaayo usoo kala dirsadaan Horjoogayaal Dagaal oo Soomaalida ka tirsan oo mid walba Arrimaheeda u fuliya in ay ku heshiiyeen waad kala soo dhex bixi weeyseen Shirkii-jaraa’id ee Uhuru Kenyata iyo Desalegn ay ku qabteen Nairobi. Marka Kaambooniyiinta iyo taageerayaashooda waxan idinkula talineynaa haddii aanu nahay Shacabka Soomaaliyeed in Caanaha idinka daatay aad dabadooda qabataan ee aad ku baraarugtaan Dhagarta Kenya iyo Itoobiya oo aadan Carruurta Soomaaliyeed ku baabi’inina u dagaalanka Danaha Kenya.
Waddaniyiinta Soomaaliyeed ayaa misna la hadlay Taageerayaasha Barre Hiiraalle, waxayna ku yiraahdeen:-
“Haddaad tihiin taageerayaasha Barre Hiiraalle Waxan marka hore idiin sheegeynaa wax aan hubno oo ah in Col. Barre Hiiraalle uusan Kismaayo ku tagi karin kuna tegin kaskiisa iyo Awood Ciidan ee uu isku halleyn karo toona, Waxana aan idin xasuusineynaa in Magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya oo haysta Hub culus islamarkaana Saanad Milateri ay u dhan tahay gacantana ku haya Dekedda Iyo Airaboorka iyo dhammaan Ilaha Dhaqaalaha Magaaladaas, Caqligiinu yuusan idinkugu been sheegin in Barre Hiiraalle uu Ciidamadaas Milateriga Kenya isaga dhicin karo Maleeshiyo-Beeleedka aad ku sheegeysaan in Doonta uu ku qaatay ee uu kala degay Xeebta Kismaayo.
“Tan kale Dowladda Soomaaliya ee aad sheegeysaan in ay Barre geysay Kismaayo, Waxad ogeydeen in Maalin Cad Wasiirradeeda ay Ciidamada Kenya kasoo celiyeen Airaboorka Kismaayo oo weliba Wasiirkii Dalxiiska Kenya uu magaalada London isagoo jooga uu ka sheegay in cid aanan fasax ka qaadan Dowladda Kenya aysan tegi karin Magaalada Kismaayo, Marka ma waxaad isugu sheekeyneysaan Kenyaatigii soo celiyey Wasiirradii Dowladda Soomaaliya baa ka heybeysanaya Barre Hiiraalle iyo maleesho uu wato? Come on, You are Kiding!!.
“Runtu waxay tahay Kenya Iyo Itoobiya waxay isku Afgarteen kuna heeshiiyeen Siyaasadda Soomaaliya, Waxana ay islameeldhigeen in Magaalada Kismaayo Qolo waliba ay keensato Horjooge-Dagaal Soomaali ah oo ay ku kalsoon yihiin in uu u dhego-nugul yahay ama ugu yaraan ay Faro-Culus ka hayaan, Waana Is-afgarashadaas Kenya iyo Itoobiya dhexmartay tan uu Barre Hiiraalle ku yimid Kismaayo, Sidaa-darteed Haddii aad tihiin Taageerayaasha Barre Hiiraalle Waxan idinkula talineynaa in aadan Carruutiinna ku baabi’inina, Hantidiinana aadan ku beelinina Dagaal aad u gashaan Danaha Itoobiya, Ogaadana Barre inuusan u soconin Danaha Beeshiina sida aad u haysataan!!.
Banaadir Post.