Xasan sheekh Culusoow ayaa looga yeeray Dalka Kenya isagoo maantana gaaray Mombasa dalka kenya.
Xasan Culusoow ayaa gaaray Magaalada Mombasa oo uu kula kulmay Uhuru Kenyata,waxaana safarka ugu weynaa arinka Kismaayo oo meel xun maraya, welina la isku af garan waayay in maamul loo sameeyo,halisna ugu jira in dagaal beeleed ka qarxo.
Axmed Madoobe ayaa isna ka dhoofay Kismaayo si uu ugu biiro wada hadalka Xasan Culusoow ugu yeertay Kenya.
lama oga sida uu u hirgalayo danaha Kenya ay ka leedahay Jubbooyinka iyadoo geed dheer iyo mid gaabanba u koreysa gumaysiga dhaqaale oo ay la damacsantahay Gobalada Jubbooyinka.
Waxaa qarash badan ku bixinaya in Kismaayo loo helo maamul gaar ah dowlada Norway oo dhawaan ka howl gali doonta qeybo ka mid badaha koofureed ee Somalia, walow ay hor yaalaan caqabado adag oo lama gudbaan iyo dagaalo aan dhamaad lahayn oo weli ka jira gayiga Somaliyeed.
Kenya ayaa wakiil ka ah kuwa iska leh dagaalada ka socda gayiga Somaliyeed,kuwaas oo ciidankeeda ku biila magaalada Kismaayo iyo Afmadow oo ka jogaan Jubooyinka,waxaana ka socda dagaalo,waxaana la sugayaa inay ka qarxaan dagaal beeleedyo ay caan ku yihiin ku howsha horboodaya.
Banaadir Post.