Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ahaa xubnaha Baarlamanka Mahiiga ayaa caawa ku dhawaaqay inuu iska casilay xubin nimadiisii Baarlamankaas burcado fadhido!
“Xamar waxaa igu danbeysay bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay ilaa iyo haatan kuma noqon,danta umada meelo badan bay taalaa Baarlamanka Muqdisho un ma taalo marka waxaan goostay baarlamankii inaan dib uga noqdo ,warqadii aan kaga baxayay waan qoray gudoomiyaha baarlamanka waan gaarsiiyay”ayuu yiri Axmed Ismaaciil Samatar oo caawa uwaramayay Saxaafada.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in qaabka lagu doortay baarlamanka Federaalka uu yahay hanaan aan lagu dooran baarlaman,buuqiisa iyo hadalka is dhaafsan aniga waan saluugay”ayuu yir Axmed Ismaaciil Samatar.
“Xasan Sheekh inta yar aan ku aqaano waxaan ku bartay nin dabeecad wanaagsan laakin meel uu madaxtinimo ku hayo waligay ma arag,dowladda uu soo dhisay waxaa ii muuqata inay dhaafi la’dahay 4.5″ayuu yiri Axmed Ismaaciil Samatar.
Axmed Ismaaciill ayaa sidoo kale wareysigaan kaga hadlay habka federaalka iyo qatarta uu u leeyahay umadda Soomaaliyeed.
http://www.voasomali.com/audio/audio/278964.html
Banaadir Post.