BAYAAN!:-Urur Beeleed Qurbajoog ah” SAHAL” ayaa bayaanka ka soo saaray Siyaasadaha Xasan Gurguurte

25533095Ururka Sahal ka dib maruu qiimayn ku sameeyey xaalada iyo siyaasada guracan ee Madaxwayne Xasan Shiikh, isla markaasna uu tixraacay bayaanada uu ururku soo saaray 18th March 2013, 31st January 2013, 26th December 2012, 29/11/2012 iyo 9/11/2012, waxuu soo saaray bayaanka hoos ku qoran:

1. Siyaasada jahawareersan ee Madaxweyne Xasan Shiikh
Waxaan u aragnaa in madaxwaynuhu uu ku dhaqmaayo siyaasad qar iska tuur ah isla markaasna uu wadanka ku wado siyaasad jahawareer iyo kala eexasho ku salaysan. Waxaan si adag u cambaaraynaa shirkii afduubka iyo hagardaamada ahaa ee Xasan Shiikh iyo xulafadiisa ay ku saxiixeen magaalada Ankara ee wadanka Turkiga. Waxaan u aragnaa in shirkaasu ahaa mid xaqiraad, bahdilid iyo qiyaano loogu gaystay guud ahaan sharafta, qaranimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Waxaan xusuusinaynaa Xasan Shiikh in Soomaalidu aysan isu dilin reer Waqooyi iyo reer Koonfur ee dhibaatada ku dhacday gobolada waqooyi, gobolada dhexe iyo gobolada koonfureed ay ahayd arimo siyaasadeed iyo jamhado kasoo horjeeday dawladii militeriga ahayd.
Ugu danbayntii waxaan ummadda Soomaaliyeed ee jecel wanaaga iyo midnimada in madaxwayne Xasan Shiikh iyo xulfadiisu ay galeen khiyaamo qaran taasoo aan ka dalbanayno Baarlaamanka Fadaraaliga ah inay bayaan cad kasoo saaraan arintan foolxumada ah ee lagula kacay masiirka ummadda Soomaaliyeed.

2. Cambaaraynta eexda dawlada Turkiga
Waxaan halkaan si adag ugu cambaaraynaa dawladii lagu hanwaynaa ee Turkiga oo Soomaali ka gashay godob iyo kala xigsasho, waxaana dawlada Turkiga la socodsiinaynaa inay lumisay ixtiraamkii iyo sharftii ay ku lahayd dadka Soomaaliyeed ka dib markii ay hal dhinac kaga biirtay siyaasadaha is-diidan ee Soomaalida. Waxaan dawlada Turkiga la socodsiinaynaa inaan laga soo dhowayn doonin gobolada ay ka gashay eexda iyo godobta.

3. Godobta iyo qabyaalada ay wado xukuumada Jabouti
Ururka Sahal waxuu si adag u cambaaraynaa dawlada uu hogaamiyo keli-taliye Ismail Omar kaasoo usoo dhar-dhigtay hagardaamaynta iyo u kala eexashada iyo iska horkeenida ummadda Soomaaliyed. Waxaan u aragnaa in xukumuda Ismail Omar Geele ay markasta u taagan tahay inaan habayaraatee Soomaaliya aysan helin dawlad madaxbannaan waana nasiib darro inuu iloobay abaalkii waynaa ee dadka Soomaaliyeed u galeen xiligii gobonimo-doonta ummada reer Jabouti. Waxaan u aragnaa dadka reer Jabuuti inay yihiin dad aad u wanaagsan hase yeeshee ku nool cadaadis iyo xukun keli-talisnimo.

Waxaan ugu baaqaynaa ururka IGAD iyo Midowga Africa in si deg deg ah ciidamada Jabuuti looga saaro wadanka Soomaaliya isla markaasna la badalo af-hayeenka AMISON waayo dawlada Jabuuti dhexdhaxaad kama aha arimaha Soomaaliya umana qalanto inay noqoto nabad ilaaliyeyaal isla markaasna dawlada Jabuuti dhagar iyo kala eexasho ayey ku haysaa ummadda Soomaaliyed.

4. Cambaareynta cadaalad darrada ka jirta Wasaaaradda Arimaha Dibada
Ururka Sahal waxuu si adag u cambaaraynaayaa eexda iyo qaraabo-kiilka ka socda Wasaaaradda Arimaha Dibada ee DFS, gaar ahaan qaabka loo qaybiyey safiirada dawlada Soomaaliya u fadhiya dalalka dibada. Waxaan Ras’iisal Wasaarada DFS ka dalbaynaynaa in arintan tilaabo deg deg ah laga qaado isla markaasna la kala cadeeyo sababta 95% shaqaalaha wasaaradda arimaha dibada, safiirada iyo qunsulada Soomaaliya loogu soo koobay dad kasoo jeeda labo beelood.

5. Taageerida dhisitaanka maamul goboleedyada
Ururka Sahal waxuu si buuxda u taageerayaa una dhiirigelinayaa in dadka Soomaaliyeed ee raba inay samaystaan maamul goboleed ku salaysan rabitaanka dadka deegaanka iyo sida waafaqasan dastuurka fadalaariga ah. Waxaan taageeraynaa xaquuqda dadka degan gobolka Shabeelaha Hoose oo dhulkooda lagu hayo dulmi iyo ku dul-noolaansho, waxaana Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dawlada Xasan Shiikh ka dalbaynayaa inaysan dadka Shabeelaha Hoose ku qasbin wax aan lagu qasbi karin dadka degan Shabeelaha Dhexe amase Hiiraan.

6. Ururka waxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa midnimo iyo
ka fiijignaanta hagardaamaha wajiga cusub qaatay ee ka mid yihiin midowga Dam jadiid iyo Islaax.

Ugu danbayntii ururka Sahal waxuu ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in dhowaana magaalada London lagu qaban doono mudaharaad looga soo horjeedo qodobada kor ku xusan, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan ummadda jecel midnimda, karaamada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed inay kasoo qaybgalaan mudaharaadkan kaasoo uu dhowaan ururka Sahal soo sheegi doono waqtiga iyo goobta uu ka dhici doono.

Bayaanka Waxaa soo saaray Ururka Sahal Organisation,

245303271
London 25/4/2013

Banaadir Post.

24696953