DAMM JADIID IYO DABEYLO HOR LEH:-Shariif Xassan oo howlgal siyaasadeed Dib uga Bilaabaya Moqdisho iyo Villa Somalia oo heegan la gashay.

25515660Siyaasiga Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xildhibaan ka ah dowlada Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa ayaa Moqdisho  dib ugusoo laabtay kadib markii mud dibadda ku maqnaa.

Shariif Xasan oo ah siyaasi ruug caddaa dabadhilif ah ayaa isku dayaya in uu markale galaangal ku yeesho Villa Somalia kadib markii ay kooxda Aala Sheekh ku guul daraysatay doorashadii sanadkii lasoo dhaafay dhacday.

Boqolaal qof ayaa shariif Xasan kusoo dhaweysay garoonka Muqdisho sida muuqata lacago badan ayuu siiyay haweenka Malaamilleyda loo yaqaan iyo xildhibaanno beeshiisa ah kuwaasi oo soo dhaweyn heer sare ah u muujiyay.

Xasan Sheekh iyo shariif Xasan ayaa hal mar iskalasoo degay garoonka Muqdisho dhanka soo dhaweynta waxaa dad badnaa Shariif Xassan arrinkaasi oo sumcad xumo dhanka siyaasadda ku ah Xasan Sheekh.

Taageerayaasha Xasan Gurguurte iyo Damm Jadiid  ayaa feejignaan ku jira waxayna dadaal ugu jiraan sidii shariif Xasan ay uga ilaalin lahaayeen madaxtooyada maadaama shariif Xasan yahay siyaasi dhagar badan oo saaxibkii Shariif Axmed dhulka la gooyay.

Shariif ayaa caan ku ah bixinta lacagaha iyo hanashada siyaasiyiinta dhaqaale ama jagodoonka ah, wuxuuna hada degan yahay meelo lagu ilaalsho,wuxuuna leeyahay  ciidamo isaga gaar u ah.

Shariif  Xasan ayaa xiriir wanaagsan la leh kuwa ku soo duulay gayiga Soamliyeed gaar ahaan Xabashida iyo Kenya.

Waxaa culays soo food saaray Xasan Gurguurte iyo Damm jadiid,waxaana shirar ka dhan ah  Shariif Xasan  ka socdaan Villa Somalia.

25099932

Banaadir Post.