Magaalada Kismaayo ayaa gashay Bandow iskeed ah oo aysan cidi kusoo rogin Kadib markii uu halkaas xalay gaaray dagaal Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ahaan jiray guddoomiyihii maamulkii dooxada Jubba “Dooxatada Jubba”oo halkaas horay uga talin jiray, Waxaana Dadka Magaaladaas ku sugan Gebi’ahaanba ay dareemayaan in Jawigii Magaalada uu isbedelay Cabsida laga qabo Dagaal Beeleed inuu ka qarxo Magaaladaasna ay sii korortay.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jiray xiisado kala duwan oo u dhexeeya dhinacyo isku haya gacan ku haynteeda iyo Maamulkeeda, Waxana Magaalada kuwada sugan Ciidamo iska soo horjeeda.
Ciidamada Kenya iyo Maleeshiyo beeleedka Raaskaambooni oo kamid ah Ciidamada Kismaayo ku sugan ayaa ku adkeysanaya weli in ay Maamul uga dhawaaqaan halkaas, halka dhinaca kalena Maleeshiyo Beeleed inay ka amarqaata maaamula Xasan Gurguurte ee ku sugan Magaalada ay ku adkeysanayaan in Dowladda Soomaaliya oo qura ay Xaq u leedahay in ay Maamul Kumeelgaar ah u sameyso Jubbooyinka inta la’isaga keenayo Beelaha wada dega Deegaannadaas, Waxana Ciidamada Dowladda ee halkaas ku sugan ay Kooxda Raaskaambooni u arkaan Jufo garab kahelaya Ciidamada Kenya.
Arrintu si kastaba ha’ahaatee Xiisadda Kismaayo ka taagan oo awalba aad u kacsaneyd ayaa haatan waxa la’oran karaa waxay isku sii shareertay cirka kadib markii uu halkaasi gaaray Barre Hiiraalle oo halkaas horay uga soo talin jiray Horayna u sheegay in Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa Kaambooniyiintu ay yihiin Jufo garab ka helaya Ciidamada Kenya oo doonaya in ay qasab wax ku maquuniyaan.
Banaadir Post.