KENYA IYO GAYIGA SOMALIYEED:-Wargeyska Daily Nation oo kashifay in Kenya qorsheyneyso Shidaal Baaris in ay ka billowdo Gobollada Jubbooyinka Iyo Xeebaha Soomaaliya labada Bilood ee soo socota gudahood.

25502774Wargeyska Afka dheer ee Daily Nation ayaa Qarxiyey Qorshe ay dowladda Kenya ku damacsantahay in ay Shidaal Baaris uga Billowdo Deegaannada Jubbooyinka ee ay haatan Ciidamadeedu haystaan Iyo Xeebaha ku dherersan Xuduudda Somaliya ay Kenya la leedahay ee ay Kenya isku dayeyso in ay Muranka geliso.

Wargeyska ayaa shaaca ka qaaday Shirkado Reer Galbeed ah oo Arrinkaas kala shaqeynaya Dowladda Kenya, Iyadoo sidookalena Wargeysku uu soo hadal qaaday wax uu ku sheegay Muran ka taagan Xudduudda Badda ee labada Dal ee Somalia Iyo Kenya, Murankaasoo Wargeysku uu xusay in Dowladda Kenya ay kuguuldarreysatay in ay ka xalliso dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Sheekh Shariif, Kadib Markii Saxiixii ay Dowladdaas ka heshay uu kusoo diiday Baarlammaankii KMGka ahaa ee Xilligaas jiray.

HALKAN KA AQRI WARBIXINTA WARGEYSKA

Kenya ayaa Maadaama ay weysay Saxiixii ay ku xalaashan lahayd qeybo kamid ah Xuduudaha Baddeenna, Waxa ay haatan qorsheyneysaa in ay gebi’ahaanba qabsato Gobollada Jubbooyinka iyo Xeebaha halkaa ku yaalla oo ay hoosgeyso Maamulkeeda, Iyadoo qorsheyneysa in ay Halkaas si qasab ah uga sameyso wax ay ku sheegeyso Maamul-Jubbaland oo iyada hoostaga si ay qorshaheeda dhaqaale uga fushato gudaha Soomaaliya, Waxase aysan Kenya Xisaabta ku darsanin in waxa ay raadineyso ay yihiin Calaacal Timo kasoo baxeen, Waxana ay moogyihiin in Soomaalidu aaney wada ahayn Kuwa ay ku Gumeystaan NFD oo kale.

25331174

Banaadir Post.