Maxamuud Nuur Tarsan oo xafalad muqdisho ka dhacday ka hadlayay ayaa sheegay in maamul usameynta Jubbooyinka ay tahay qaab beeleed ku socota islamarkaana aan u daneynayn midnimada Soomaaliya.
“In Juffo walba sameysato maamul goboleed waa wax aan laqaadan Karin oo madax banaanida wadanka dhibaata weyn ku ah,waxa Jubbooyinka iyo gobollo kale ka socda ma ahan wax la qaadan karo”ayuu yiri Tarsan.
Tarsan ayaa saaran kaaraha Amisom, la,aantoodna hal maalin ma joogi karo magaalada Moqddisho oo kaga sugan yahay Lixda xaafadood oo bada xiga, Tarsan ayaa iska dhex arkay maamul goboleedyo beelo leeyihiin oo laga dhisayo dhulka Somaliyeed,isaga oo iska indhotiraya dhibka gumaysiga soo duulay ku hayo Diinta iyo dadka Somaliyeed.
Dowlado kabadan 8 oo Nasaaro Afrikaan ah ayaa Soomaliya duulaan kusoo qaaday iyagoo shacabka Soomaaliyeed kala dagaalamaya diinkooda iyo dalkooda mana jiro mas’uul katirsan DF-ka oo madax banaani sheegan kara.
Halkan ka dhagayso Eedaynta uu Tarsan Jeediyay MP3
Banaadir Post.