DHAGEYSO:-C/kariim Xusseen Guuleed oo Baarlamaanka Mahiiga u been sheegay ka dibna lagu buuqay isaga oo hanjabaya!!

25487401 Baarlamaanka Mahiiga  ah ayaa su’aalo macquula weydiiyey  Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga C/kariim Xusseen Guuleed, jawaabaha uu bixiyey ayaa u badan isdifaac, waxaana wax laga weydiiyey

1- Dhalinyaradii Xabsiga Magaalada Muqdisho laga baxay,

2- Weerarkii Maxkamadda Banaadir,

3- Khatartii Wadanka U,K ay kadigeen iyo su’aalo kale.

24925496

Jawaabtiisa ayaa u badnayn been iyo isdifaac waxaadna moodaa in Barnaamijka inta aan la qaban la soo diyaariyey, wuxuu inkirayaa ama been ka sheegayaa wax Dadka oo dhan ay og yihiin, goormaa Wiilasha Gacmaha iyo lugaha laga xiray Guryahooda hortooda la soo dhigay Maydkooda la yiri nasoo tusa Ciidanka Al shabaab?, soo maalin kasta Idaacadaha kama sheegaan in ciidan Magaalada kadhex dagaalamaya oo Al shabaab ah in uusan joogin Muqdisho?.

Nimanka Xildhibaanada sheeganaya wax ka cawaansan waligeen ma aanan Arag, sidee kudhici kartaa in Labo ciidan intay dagaalameen in Wiilasha maxaabiistaa kaliya ay ku dhintaan dagaalka halka Askari kaliya uu kadhintay ciidanka Nabad Sugidda sheegta?.

Wuxuu kale oo uu sheegayaa Qaraxyo lagu fashiliyey Beledweyne iyo meele kale, ma’ahan qaabka su’aalaha uu oga jawaabayo wax lagu qanci karo oo Qof waxgarad ah uu ku qanci karo.

Dhagayso su’aalaha C/kariim la weydiiyey Shalay oo dhamaystiran MP3 Halkaan Riix Ama Guji

24918555

Banaadir Post.