Bayaan maanta kasoo baxay Ururka Islaax ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay in Ururkooda la midoobay Damul Jadiid oo ku lug leh siyaasadda Soomaaliya islamarkaana uu kamid yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Cali Baashir Rooraaye oo Warsaxaafadeedka ku saxiixnaa ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sh.Maxamed Garyare u alifeen beenta ah in labada Urur Midoobeen.
Warka kasoo baxay Islaax wuxuu kusoo aadayaa iyadoo laba maalin ka hor ay Hoteel Muqdisho ku yaal warbaahinta kula haleen Nur Baaruud oo Sheeganayay in uu Damul Jadiid yahay iyo Sh.Maxamed Garyare oo Islaax metelayay.
WAR-SAXAAFADEED
Waxa ay saxaafadda maalmahan soo tebisay warar sheegaya in ururka Islaax la midoobay urur kale. Anigoo ah guddoomiyaha ururka ISLAAX ee Soomaaliya, waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u cadaynayaa in wararkan aysan waxba ka jirin, ururka Islaaxna uusan la midoobin ama uusan ku darsamin urur kale.
Wararkaas aan salka lahayn, waxaa ka dambeeyey Sh Maxamed Axmed Garyare oo aan metelin ururka, wax xil ahna aan u haynin.
Sheekhu muddadii dambe, wuxuu horseeday khilaaf ururka dhexdiisa ah. Wuxuu ururku dadaal xoogan u galay xalinta arintaas. Dadaaladaas waxaa ka qaybgalay waxgarad badan oo ururka ah.
Sidoo kale waxaa khilaafkan go`aano ka soo saaray golayaasha ururka hogaamiya, ee ay ugu sarreeyaan guddida fulinta iyo golaha shuurada.
Ururka ISLAAX wuxuu aad uga xun yahay in Sh. Moxamed Axmed Garyare uu ku gacansayray dhammaan dadaaladaas, iyo go`aannadii golayaasha ururka.
Qof xubin ka ah ururka Islaax, wuu ka bixi karaa ururka, wuxuuna ku biiri karaa urur kale. Laakiin qofna xaq uma laha in uu ku been abuurto ururka ISLAAX.
Ururka Islaax waa urur leh nidaam iyo xeerar haga hawshiisa, wuxuu leeyahay golayaal hogaamiya, oo ay ugu sareeyaan guddida fulinta iyo golaha shuuraha. Talada kamadambaysta ah ee ururka waxaa gooya golayaashaas.
Hadaba, dhammaanba umadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay ka wada shaqeeyaan wanaagga iyo horumarka dalka.
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Dr.Cali Baashi Rooraaye.
VIDEO HESHIISKA LA WADA GALAY LAGUNA SHEEGAY INAY MIDOOBEEN AL-ISLAAX & DAM JADIID!!
DHAGEYSO: Axmed Macalin Fiqi “Sheekh Nuur Baaruud waa Xubin ka tirsan Hey’adda Nabad sugidda Qaranka”.
Banaadir Post.