Dagaal la isku adeegsaday hub inta la heli karay ayaa Maleeshiyaadka Dowladda ku dhexmaray Deegaanka Siinka dheer ama jidka isku xira Xamar iyo Afgooye.
Lama oga sababta keentay dagaalka laakin waxaa jira warar sheegaya in gacan ka hadalka la xariiro Muran uu soo kala dhex galay sarkaalka ciidamo uu hogaaminayay iyo kuwa kale oo kusugnaa Siinka dheer.
Sadex Askari oo uu kamid ahaa sarkaal lagu magacaabo Mahdi Xasan ayaa ku nafwaayay dagaalka dhex maray Maleeshiyaadka Dowladda.
Dowladda Xasan Gurguurte ayaa isku dayday xakamaynta Dagaalada dhex mara Maleeshiyaadka u shaqeeya iyadoona aysan ku guulaysan in xal rasmi ah ka gaarto Maleeshiyaadka Anshax xumida ku barbaaray ee Dowladda.
Dhacdooyinka Nuucaan ah ma ahan wax ku cusub Maleeshiyaadka Dowladda oo markasta isku fara saara goobaha lagu geeyay Kaaraha Amisom dadka rayidkuna ku badan yihiin.
Maleeshiyaadka Dowlada ayaa ah kuwa aad u tabar yar marka ay is fara saraan raga dagaalku kala dhaxeeyo, maxaa yeelay Mooryaan Beeleed loo soo xulay inay dadka dhibaaan.
Banaadir Post.