HOLAND:-Arnoud van Doorn ayaa qaatay Diinta Islaamka.

25474442Arnoud van Doorn oo ah xubin ka tirsan Xizbiga Midig ee Xoriyadda oo Holand ka dhisan ayaa shaaciyay inuu qaatay Diinta Islaaamka, ka dib markii uu booqday Xarameynka Sharafta leh ee Dalka Sucuudiga.

Ninkan ayaa Muslim noqday ka gadaal markii uu Kaalin wayn ka qaatay soo saarista Filim Nabiga lagu xumeeyay oo horay loo dhigay, sidaasina waxaa shaacisay Jariidadda Cukaad Online ee Sucuudiga kasoo baxda.

Wargeyska oo Fandor ayaa sheegay inow ku dul ooyay Qabriga Nabiga (NNKH).

Fandor ayaa lagasoo xigtay isagoo dhahaya “ Waxaan ka tirsanaan jiray Xizbiga ugu Mayalka adag dhanka Neceybka Islaamka”. Wuxuuse cadeeyay inuu arkay Jawaabihii ka dhanka ahaa Filimkii Nabiga lagu xumeeyay, dabadeedna uu isagu go’aansaday inuu wax badan ka baaro Islaamka iyo sirta ku qarsoon Jeceylka ay Muslimiintu u qabaan Nabigooda (NNKH).

Intii uu baarista ku jiray ayuu sheegay inuu ogaaday sida uu u waynyahay Dambiga uu Xizbigiisii hore galay, dabadeedna wuxuu bilaabay inuu usii dhawaado Diinta Islaamka, isagoo xiriir dhaw lasii yeeshay Muslimiinta Holand, illlaa markii dambe uu Diinta ka qaatay.

Fandor wuxuu kaluu booqday Buurta Uxud, wuxuuna yidhi “ In badan ayaan aqriyay Sheekooyinka Goobtan quseeya iyo Dagaalkii ka dhacay. Waxaan jeclaay inaan halkan Maalin un soo istaago. Waa dareen aad uga qurux badan marka wax laga aqrinayo”.

Ninkan ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Imaamyada Masjidka Nabiga iyo Masjidka Qubaa, dabadeedna wuxuu u gudbayaa Magaalada Maka Almukarama, si uu halkaas ugusoo Cumreeysto, aka hor inta uusan usoo kicin Riyaadh oo uu kula kulmayo Mas’uuliyiin dhowr ah, halkaasna uu ugaga dhoofi doono Holand.

Wuxuu yidhi isagoo mar kale hadlaya “ In la sagootiyo Madina Almunawara waa arrin murug leh. Laakin waxaan ku faraxsanahay inaan usii gudbayo Maka Almukarama si aan usoo Cumreysto. Dib ayaan ugusoo laaban doonaa Goobahan Barakeysan goor dhaw”.

Dunida Islaamka ayaa si wayn uga carootay Filimkii Nabiga lagu xumeeyay ee Mareykanka lagasoo saaray. Waxaana Caalamkoo dhan gilgilay cabasho iyo cambareeyn ka dhan ah USA.

Dibad baxyo ballaaran ayaa ku fiday Dalal ay Australia ka mid tahay, iyadoo Dibad baxayaal illaa 7 gaarayana lagu dilay Dhowr Qof.

Banaanbaxyadu waxay kaloo gaareen in badan oo Dowladaha Carabta iyo Islaamka ka mid ah iyadoo laga cabanayay Filimka, waxaana dhacay Gacan ka hadalo hubaysan oo Ciidamada amniga iyo Dadka cabanayay u dhexeeyay, ka gadaal markii Dadkaas ay isku dayeen inay xoog ku galaan Safaarado iyo Goobo kale oo lagu hayay Dano Mareykanka iyo Reer Galbeedku ay leeyihiin.

Doorn was among the Freedom Party leaders who produced the blasphemous film, Fitna. Last month he reverted to Islam after an extensive study about the religion and the Prophet (peace be upon him).

http://saudigazette.com.sa/index.cfm?method=home.regcon&contentid=20130422162428

528173_517256498311259_2005501188_n

DAAWO- Haweenay Soomaali ah oo Sheegtay inay Gaalowday ama Diinta Islaamka babaxday!!

 Banaadir Post.