DAAWO:-“Hawiye iyo Daarood ciddii aan ahayn waa Second Class citizens”Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

25480085Prof. Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah ee ay ku dambeysay wadaniyad soomaalinimo. Prof Samatar ma rumeysan jirin qabyaalada XAMAR ka jirto heerka ay gaarsiisan tahay. Prof Samatar wuxuu ka soo jeedaa deegaanada Waqooyiga Somalia, wuxuu si weyn uga soo horjeedi jiray gooni isu taagga gobolada waqooyi ee Somalia ee uu isaga ka soo jeedo.

Prof Samatar isagoo waqti dheer qurbaha ku maqnaa  ayaa sanadkii tagay ee 2012 kii XAMAR ayuu ku soo laabtay. Profesoorka wuxuu soo taabtay weel guntiisa, wixii looga sheekeyn jiray ayuu soo arkay.

Xamar waxaan ku soo arkay “Qofkii aan ahayn qabiilka Hawiye ama qabiilka Daarood waa darajada labaad ee muwaadhinimada dalka somalia” ayuu yiri Professor Axmed Ismaaciil Samatar.

Somalia waxaa ka jirto dowlad magaca soomaalida ku shaqeysato ama ku meel marto. Xaqiiqada waxay tahay inaysan ka jirin somalia wax dowlad lagu tilmaami karo. Dowladda haatan jirto ee caalamka uu ku qaldamay aqoonsigeeda waxay u shaqeysaa habdhaqankii labadii jabhadood  USC iyo SSDF ee dalka burburka u horseeday .

Dowladda Somalia siyaasadeeda iyo sida uu xaqiiqadeeda u soo bandhigay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo muuqaal ah hoos ka daawo:

24735965

Banaadir Post.