WARBIXIN:-Baadari wadahadal kula jira sidii uu Kirshtimaynta toos uga bilaabi lahaa Muqdisho.

25459640Waxaa dhowaan magaalada Muqdisho ku bixiyay  socdaal Baadari lagu magacaabo Giorgio Bertin oo ah nin qaabilsan ka war haynta dadka Kirishtaanka ee ku nool Jabuuti iyo Soomaaliya.safarkan uu ku bixiyay dhowaan magaalada muqdisho ayuu baadarigan ku sheegay inuu ku soo arkay waxyaabo badan oo yididiilo geliyay oo la taaban karo.

Wadaadkan Kirishtaanka ah ayaa yiri “ anigoo ka maqnaa mudo lix sano ah ayaan magaalada Muqdisho dib ugu laabtay, waxaana booqday faras magaalihii hore,xaafada Madiina iyo meel kale oo masaafo ahaan u jirta ilaa 7 kilometer, waxaana la cajabay waxay ahayd isbaarooyinkii badnaa oo aan ku ogaa oo aanan iminka ku arag”.

“ waxaa kaloo i soo jiitay in magaaladu aysan iminka kala qaybsanyn oo ay midaysan tahay. Intaan joogayna dhagahaygu maysan maqal dhawaqa rasaastii badnayd ee aan maqli jiray lix sano ka hor. Waxaan arkay dad dhowr ah oo isku dayay inay ganacsi abuuraan, dhismayaal dib loo dhisay iyo kuwa tayactir lagu sameeyay. Intaan oo dhan waa calaamad muujinaysa in rajo fiican”.

Ujeeadada socdaalka Bishop Giorgio Bertin.

Wadaadkan ayaa ujeedkiisa socdaalka ku sheegay laba arimood.

1.     Bani’aadnimo

“ Inaan hubiyo howlgalo ban’iaadnimo ah oo aan ka wadnay Soomaliya iyo halkay marayaan qaasatan xeryaha ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho”.

“Dadkan oo isugu jira dad reer Muqdisho ah oo guryahooda kuwaayay dagaaladii, iyo kuwa ka soo barakacay abaarihii dhacay”.

Wadaadkan kirishtaanka ah waxaa safarkiisa ku wehliyay haweeney lagu magacaabo Sara Fumagalli oo ah agaasimaha  “Humanitarian Padania”, taasoo hore uga howlgalaysay Soomaaliya ayadoo isku dayaysa qaab ay ku soo gaarsiyaan dalka qalabka Cusbitaalada.

“ inkastoo ay jirto ka soo rayn xaga cimilada ah hadana way nagu adag tahay inaan gaarsiino dhulka miyiga ah howlagaladan bani’aadnimo waayo waxaa ka taliya Alshabaab”. Ayuu yiri Bishop Bertin.

Ujeedada kale

2.     Dib u furid Kaniisad.

Bishop Bertin oo ka hadlaya rajada uu ka qabo dib u furida Kaniisada oo ahayd ujeedkiisa labaad  waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidatan;

“waxaan kaloo u soo gaaray Muqdisho inaan hubiyo xaalada ay ku sugan tahay Kaniisadii weyneyd  oo ay hada degan yihiin dad barakcayaal ah. Waxaana ku dadaalaynaa sidii ay dib gacantanada ugu soo laaban lahayd” .

“ugu dambayntii waxaan la kulanay wasaarada arimaha dibada iyo wasaarada arimaha bulshada, anagoo bilownay wadahadalo horudhac oo lagu gaarayo heshiis ah inaan howlaheena si toos ah aaan uga bilowno Soomaaliya, iyo dib u furashada goob aan ku cibaadaysano”. “waxaan filayaa inaan si dhaqso leh ugu laabto magaalada Muqdisho si aan ula kulmo  Xassan Sheekh, Saacid ama wasiirada Arimaha dibada si loo dhamaystiro wadahadaladan” ayuu ku soo afjaray warbixintiisii Bishop Bertin.


Faalo kooban

Wadaadkan warbixinta socdaalkiisa wuxuu ku bilaabay is bedelka ku yimid amniga magaalada Muqdisho marka uu la barbardhigay lix sano ka hor siday ahayd iyo maanta asagoo ku tilmaamay calaamad rajo wanaag ah. Muxuu sidaas u yiri “ ma inuu ku faraxsan yahay nabadaas ay heleen dadka reer Muqdisho?.

Jawaabtu waa maya wuxuu ku faraxsan yahay inuu helay nabad uu ku guto howlihii Soomaaliya ka wadi jiray ee ahaa Kirishtaamaynta sida ka muuqata warbixintiisa oo ah inuu beri horena joogi jiray balse aysan u saamixin xaaladii amni daro ee ka jirtay magaalada Muqdisho xiligaas.

Maantana uu jaanis weyn u arko dowlad camiil ah iyo dabaabaadka Amisom in howlihiisii ay dar dar gelinkaraan.

Waxaa halakan laga dheehan karaa sida waxbadana ay hore uga dhawaajiyeen Xarkatul Shabaabul Mujaahihidiin, Culumo, Indheergarad iyo Warbaahinta Islaamigaba inay jiraan hay’ado huwan magaca ban’iaadnimo oo ka wada soomaaliya howlgalo Kirishtaamayn ah.

Marka uu ka hadlayay wada hadalada u bilowday xukuumada federaalka ee Xassan sheekh waxaa uu yiri waxaan ka wada hadalnay sidii aan howlaheena iyo joogitaankeena uu u noqon lahaa mid toos ah isagoo isticmaalay  ereyga ah “direct way” waddo toos ah yacnii  inaan u soo marno taasoo muujinaysa markii hore inay wax ku wadeen “indirect way” waddo aan toos ahayn ama siyaabo kale oo aanan muuqan.

Waxaa yaab leh waxaa haawanaya Kaniisadihii ku yiilay London, Roma, Paris,New York iyo magaalooyin badan oo wadamada reer Galbeedka ah, yaa waaye cida loo dhisayo Kaniisada magaalada Muqdisho ee ku cibaadaysan doonta?. Waa su’aal aan jawaabteeda u daayay aqristayaasha.

Isha Warka: http://allafrica.com/stories/201304161315.html?utm_source=dlvr.it&utm_medium=twitter

25408399 (1)

Somalia: “I Found Signs of Hope in Somalia”, Says Bishop Bertin

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/04/17/somalia-i-found-signs-of-hope-in-somalia-says-bishop-bertin/

24819801

Banaadir Post