Inkaari ha ku dhacdee Amal Aadan oo badanaa ay buun-buuniyaan Qolooyin Noorwijiyaan ah oo nacayb qaas ah u qaba Musliimiinta Norway,ayaa markan la timid arin ay ka caroodeen Muslimiinta-Norway,iyadoo kula talisay in Caruurta Muslimiinta ay halis iyo qatar ugu jiraan in loo isticmaalo hawlo argagaxiso.
Haweenaydan Qaniisadda ah ayaa ku soo caan-baxday markii ay qortay buug lagu aflagaadeynayo Soomaalidda-Norway,kaasoo ay ugu magac-dartay (SE-OSS)yacni (Na-Arka)waxaana buugan maalgeliyya qolooyin mayal-adag oo Masiixi ah,iyagoo ujeedadoodu aheyd in Soomaallidda-Norway toosh lagu ifiyo.
Hadaba Soomaalidda-Norway waxaan ku baraarujinaynaa waad u jeedaan gabadhan inay soo dhar-dhigatay oo markan ay ka shaqeyneyso in caruurta laga joojiyo Qur’aanka ay dhiganayaan,maadaama ay Saxaafada-Norway ay u sheegtay in Macalamiinta caruurta Qur’aanka u dhigo inay maskaxda ka xadayaan,kadibna ay caruurta u adeegsanayaan inay falal argagaxiso ka sameeyaan gudaha Norway.
Xasuusin:Marka aan leenahay Amal waa Qaniisad yaan loo qaadan inaan shaqsiyan u weerarayno ee iyadaa afkeeda ka sheegatay inay is-qabaan Gabar cadaan ah oo Noorwijiyad ah,Allaahamu Najaynaa.
Halkan ka akhriso warkan oo faahfaahsan hadii aad Noorwijiyaanka taqaan
Xigasho Shacabkamedia.
Amal Aden oo sheegatay inay tahay Lesbian
Amal Aden oo ah gabar Soomaali ah, oo ku nool dalka Norway ayaa si cad oogu dhawaqdey in ay tahay haweeney ah nooca loo yaqaan Lesbian ee la nool haweenay kale.
Gabadhaan oo loogu yeero in ay tahay qoraa arimiha soo galootiga iyo dadka laga tirade badanyahay ayaa waxay maanta u sheegtay arinkaas wargeyska afka dheer ee lagu magacaabo Aftenposten ee kasoo baxa magalada Oslo.
Wargeyska ayaa sheegay in Amal Aden oo ku dhalatay Soomaaliya iyadoo dalkana soo gashay sanadkii 1996kii, ay horey ugu ahaan jirtay darbiyo jiif magalada Muqdisho ka dib markii sida ay sheegtay ay reerkoodu u qaxeen halkaasi.
Gabadhaan ayaa mudooyinkan danbe waxa ay soo saareysay qoraalo Is daba joog ah oo ay ku weerareysay habdhaqanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway, iyadoo si xoog leh u soo badhigeysay hadalo ay ku sheegeysay in ay yihiin cadeeymo ay ka soo uruurisay qoysas Somaali ah.
Amal Aden oo horey u guursatay oo leh laba gabdhood oo mataano ah, ayaa waxa warkeedan ay ku sheegeeyso in ay tahay haweenay Lesbian ah waxaa ay ku macnaysay mid ay doonayso in ay ku dhiiri galiso dhalinyarada musimka ah ee ku nool dalka Norway si ay ugu daydaan iyada oo ay u cadeystaan wiilsha isla nool iyo gabdhaha isla nool iyagoo isku jinsi ah.
Haweenaydaan ayaa ku dooday in bulshada Muslimka ah eek u nool Norway ay caburin ku hayaan xoriyaha shaqsiga ah, oo ay dadka iyagoo isku jinsiga ah is isticmalana ay dhibaato weyn qabaan, laguna hayo caga juglayn iyo handadaad u diideysa in ay sameeyaan waxa ay rabaan.
Dad ay qaraabo yihiin Amal Aden ayaa sheegay in dhowr iyo toban sano ka hor ay timid dalka Norway iyadoo lasocotay qoys ay qaraabo yihiin oo ilmahooda soo raaciyey hase oo islamarkaasana laga soo wadey degaanka baadiyaha Bariga Burco oo ay qoyskoodu ku noolyihiin, ka dibna ay ka carartay reerkaas oo ay isu dhiibtay hay’adaha koriya caruurta aan walidkood lasocon.
Lama garanayo sababta ay arimahan ooga hadlayso oo ay wargeysyada ugu qoreyso hadaladan oo laga yaabo in ay muslimka Norway u qaadan karaan hadalo iyaga lagu maagayo ama lagu abuurayo nacayb siyaado ah loo qaado muslimka, gaar ahaan xiligan oo ay tagantahay doodii ka dhalatay dhacdadii uu ninka xag jirka ah ku laayey dadbadan ka dib markii uu weeraro is garab socda qaadey laba todadbaad ka hor.
Ninkaasi ayaasababta uu sidaas u sameyey ay ahayd inuu horseedo kacdoon Muslimka looga sifeynayo dalalka yurub oo dhan.
Hadaba walaalaha muslimiinta ahow oo weliba soomaalida ahaw waxaas iyo waxkadaran ayaa inakusoo socdee waxaa loobaahanyahay sidii aynu isaga moosi lahayn intaynu aduunka joogno insha alaah.
Cali Axmed Cige
Oslo Norway
Mogtri Mog mogtri_26@yahoo.com