Dimuqraadiyadda ay qaateen Maamulka la baxay Somaliland isla markaana ay ku faaneen Maamulka ayaa laga dhex lay Fisqi iyo fasahaad ku sii baahay Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulkaasi.
Daaciyiin faafiya Diinta Baadilka ee Kirishtanka qeybaheeda kala duwan ayaa dhowrkii bilood soo caga dhigtay Hargaysa iyagoo kusoo galay Xirfado la xeriira Dhaqaatiir iyo Macalimiin.
Warqado lagu qoray Luqada Soomaaliga oo lagu xayeysiinayo Diinta ay faafiyaan ayaa lagu xarqay Meelo badan oo dadku ay ku kulmaan iyo Goobaha Musqulaha iyagoo la sheegay qofkii qaata Diinta Kirishtanka inuu helayo Baraare iyo Barwaaqo.
Dad Ahlu diin ah oo kamid ah shacabka Muslimiinta Ducafada ku ah Hargaysa ayaa sheegay ineysan waxba ka qaban karin qolyahan daaciyiinta Kirishtanka ah ee kusoo kordhay Deegaanada uu ka taliyo Maamulka labaxay Somaliland.
Baadariyaasha ayaa si gaar ah ubartilmaameedsada Haweenka iyo Dhalinyarada oo ay u arkaan in laga weerari karo Bulshada ku dhaqan Hargaya.
Maamulka Axmed Siinlaayo ayaa dhawaan sheegay Hargaysa inay ka eryeen Baadari Lagu Magacaabo Dr: Robert islamarkaana labaxay Rooble kaasi oo bara ka ahaa Jaamacad kutaala Hargaysa laakin waxaa wali Hargaysa ku sugan kuwa kale oo si cad ufaafiyay Diinta Kirishtanka.
Robert ayaa in muddo ah diinta Kirishtanka ku dhex faafiyay Shacabka Hargaysa Suntiisana waxay saaqday Dad uu baray Diinta Kirishtanka.
Robert iyo Afadiisa oo labadoodaba Howshaan ku howlnaa ayaa laga Masaafuriyay Hargaysa sida ay shaaciyeen Maamulka Axmed Siinlaay.
Nin Kusugan Hargaysa ayaa sheegay Magaalado inay wali kusuganyihiin Baadariyaal u dhashay Dalalka Ingariiska,Norway iyo Kenya kuwaasi oo faafinaya Diintooda Baadilka ah.
Daawo Haweenay Soomaaliyeed oo Sheegtay inay Gaalowday Ama Diinta islaamka Kabaxday
Hoos Ka Daawo Waraysi Laga Qaaday Gabadhaasi oo luqad kale ku baxay!!
Banaadir Post.