Soomaalida waad la yaabaysaa, Riwaayadihii Soomaaliga ahaa ee Magaalada Muqdisho lagu dhigi jiray, Wakhtigii Dowladdii Siyaad Barre, ayaa Riyaad kamida waxaa lagu jilay, Nin Tuug ah oo Guri Ninkii lahaa oo soo jeedo fiidkii u dhacay, Alaabtii oo dhan Ninkii Tuugga ahaa ayaa Gaari ku gurtay, Ninkii Guriga iska lahaa ma hurdo waa soo jeedaa, waana u jeeda Tuuga Alaabtiisa guranaya.
Waagii markuu baryey ayuu ka sheekeeyey Tuuggii xalay Alaabtiisa gurtay, wuxuu yiri,“Haddii xalay uu Tuuggu Fargashigayga iskudayi lahaa in uu Fartayda kalabo ama Buumahayga waan Cajiimi lahaa, Nafta ayaan ka siibi lahaa!”.
Hadda Niman sheeganaya dowlada ayaa markii ay hadlaan waxay ku hadlayaan Sheekadii Ninkii Alaabtiisa tuugadu guratay Asaga oo soo jeeda, haddii Maamul ay samaytaan Dadka Jubbooyinka dagan Xassan Gurguurte, Saacid Shirdoon iyo Wasiiradiisa maxay Aqoonsi ah oo oga baahan yihiin?.
Waxaan hubnaa Kismaayo haddii Ciidanka Kenya uusan joogin in Xassan Gurguurte iyo Dadka Aragtida gaaban ay ciidan u diri lahaayeen si ay Qabiilada Soomaaliyeed Madaxa iskugu galiyeen, laakiin waxay ka baqayaan Ciidanka Kenya.
Soomaalidu Cadowgeeda iskama dhiciyaan Ayaga ayaa isku xoogweyn. Imisa Magaalo ayaa Itoobiya iyo Kenya naga haystaan oo aan Soomaalidu ku duulin halka ay Qabiilada Soomaaliyeed Dhulka Baadiyaha ah ee daaqsinkaa, Biya iyo Baraagaha isku laynayaan!.
Soomaali waxaa iska leh Soomaali, Nimanka Kismaayo ku waashay, maxay Boosaaso iyo Barbara dhaqaalahooda oga hadli waayeen?, Miyeysan Boosaaso iyo Barbara ahayn Magaalooyin Soomaaliyeed?.
Xigasho:-
Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com
Banaadir Post