Ma jiro wax dagaal ah oo xilligan ka dhex aloosan Somaliland iyo Soomaliya.Sidoo kale ma jiraan Ifafaale Colaadeed oo muujinaya Dagaalo ka dhex dilaaci kara mustaqbalka dhow Soomaliya iyo Soomaliland oo u baahan in laga hortago. Dadka reer Somaliland waxa ay ku hoyanayaan xaalad amaan oo u suurto gelineysa in ay si caadi ah u wataan howlmaalmeedkooda.
Halka ay dhibaatooyinka ugu culus ka jiraan ee Dhiigjoojinta u baahan waa koonfurta iyo bartaha Soomaliya, Dowladdii Soomaliyeed ee loo igmaday in ay wax ka qabato dhibaatooyinkaas-na waa ay ku fashilantay, sidaas darteed waxa ay isla garteen labada Koox ee Dowladda Somaliya awooda ku leh in ay Indhaha bulshada Soomaliyeed iyo tan Caalamka-ba ay ku jeediyaan Wadahadalo lala galo Maamulka Soomaliland, si ay isaga qafiifiyaan culeyska baán ee kaga imaanaya Bulshada caalamka iyo Bulshooyinka Soomaliyeed ee ku nool Shabellada Hoose , Jubooyinka iyo Muqdisho.
Labadaas koox waxa ay kala yihiin;
1. Dam Al-jadiid
Kooxda Dam-al jadiid waxa ay ahaayeen kooxda qeybta ugu weyn ku laheyd in Dowladii Colonel Cabdullahi Yusuf-ilaahay ha u naxariistee- iyo tii Sheekh Shariif aysan si buuxda uga howl gelin gudaha magaalada Muqdisho. Waxa ay ahaayeen Kooxda lugaha ku dheganeyd Dowladahaas, oo dagaalo dhinaca saxaafada ah iyo mid ciidan-ba ku waday.
Xilligan oo ay kooxdan gacanta ku heysto Majraha dalka waxa ay dareemayaan Culus weyn oo aan u muuqan jirin markii ay mucaaradka ahaayeen, sidaas darteed waxa ay kula taliyeen Madaxweynaha in uu dar dargeliyo shirka Ankara, si uu maalmo uga qaado culeyska kaga imaanaya gudaha dalka Soomaliya, oo ay ka mid yihiin;
- Waxa ay ku fashilmeen in Maamulo ay raali ka wada yihiin dadka Soomaliyeed ay ka dhisaan Gobolada Soomaliya. Gobolada dalka intooda badan waxa ka jiro Maamulo ku meel gaar ah oo aysa dadka ku qanacsaneyn, kartina u lahayn in dadka goboladaas ay ku magaacab yihiin wax u qabtaan,sida; Shabellada Hoose iyo Shabellada dhexe. Maamulkii ay u magacaabeen Gobolada Hiiraan iyo Baay-na ilaa iyo hadda waxaa ka soo yeereysa Qeylodhaan, oo beelihii deganaa goboladaas dhamaan kuma wada qanacsana.
- Waxa ay ku fashilmeen in ay dhisaan ciidamo Qaran, Maleeshiyada ay ku sheegaan ciidamo dowladeed-na waxa ay Dhac, Kufsi iyo Isbaaro joogta ah ku hayaan dadka ku nool gobolada Shabellada Hoose iyo Muqdisho. Dambiyada ay shacabka ka galaan ciidamadaas waxa ay gaartay heer aan la qarin karin, oo Madaxweynaha uu qirtay in ciidamada Dowladda ay Haweenka kufsadaan. Waxa ay gaartay dhibaatadooda heer ay Hay’daha xuquuqda Insaanka oo ay dowladaha reer galbeedka wax ka dhegeystaan ay ku dhaleeceeyaan Dowladda in ciidamadeeda ay afduub ku heystaan dadka qaxootiga ah, Dhac iyo Kufsina u geysanayaan. Taas oo keeni karta in Dowladda ay ku weyso dhaqaalaha ay ka hesho bulshada caalamka. Sidoo kalena awood uma laha in ay wax ka qabato Kaabo mooriyaanta hortaagan in la dhiso ciidamdo Qaran sida; Indhacade waayo waxa wata la-taliyayaasha Madaxweynaha sida; Cabdiqasim iyo Group-ka isku magacaabay Odayaasha Muqdisho. Waa laba daran mid dooro!.
- Kooxda Al-shabaab waa awood la dhayalsan karin,waxna aan laga qaban oo weli soo taagan, Waxa ay weli heysataa gobolo muhiim ah. Qaar ka mid ah Dowladihii caawinayey Dowladda Soomaliya-na Ciidan ahaan waxa ay ku hanjabayaan in ay ka baxayaan Soomaliya sida; Dowladda Itoobiya. Hadii ay ka baxdo Gobolada ay hadda ku sugan tahay-na waxa ay dhabar jab ku tahay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Itoobiya waxa ay leedahay Dano ay ka dooneyso in ay u fuliso dowladda Xasan Sheekh, kuwaas oo mararka qaar ah kuwo ku adag Dowladda oo aysan fulin karin.
2. La taliyayaasha Madaxweynaha
La-taliyaasha Madaxweyne Xasan Sheekh waa kuwo aad u tira badan , waxa ka mid ah Cabdulqaasim Salaad Booy, Xasan Xaad iyo kuwo kale oo ay madax martay Qabyaalada, Kooxdan waxa ay Madax aan muuqan u yihiin dhamaan kaabo Mooriyaanta ka howl gasha Gobolka shabeelada Hoose, waxa ay la-taliyaal ama geed-fadhi u yihiin kuwa siyaasiyiinta sheegta ee qaska ka wada Jubooyinka. Waxa ay mar walba siyaasadahooda iyo Gáanadooda haga waa Qabyaalada iyo in reerkooda uu ku dhulbalaarsado deegaanada Beelaha kale.Culeysyada saaran kooxdan oo shirka Ankara uu ka qafiifinayo ayaa ah;
- Dadka ku nool Gobolka Shabellada Hoose waa ay kaceen, Ciidan ahaan iyo dareen ahaan, waxa ay Dowladda si cad uga dalbadeen ay siiso xuquuqdooda oo aysan ku dulnaasnuujin Maleeshiyaadka Beesha Guriceel ee afduubka u heystay dadka Gobolkaas. Jaaliyadaha gobolka Shabellada Hoose waxa ay shirar ku qabteen dalalka caalamka oo ay gu baaqayaan Dowladda in ay joojiso taageerada ay siiso maleeshiyada dhibaadatada ka wada Shabellada Hoose , Shirarkaas waxa ka mid ahaa mid ay Jaaliyada Digil iyo Mirifle ku qabteen dalka Ingiriiska, oo baaq adag ay ka soo saareen. Waxa ka mid ahaa Shir ay jaaliyada beesha Biimaal ku yeelatay dalka Sacuudiga oo Dowladda loogu baaqay in ay dhibaatada ka taagan Gobolka wax ka qabato, haddii kale ay taageerada kala noqonayaan. Waxaa ugu dambeeyay shir maalintii shalay ahaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Shabellada Hoose ay ka qeyb galeen.Siyaasiyiintii ka qeyb galay waxaa ka mid ah ex-xildhibaan Cabdulqaadir Shido, Shirkaas oo isagana Baaq looga soo jeediyay Dowladda in ay joojiso dhibaatada Maleeshiyadeeda ay ka wadaan gobolkaas, aayihiisana loo madax banaaneeyo beelaha dega.
- La taliyayaasha Madaxweynaha sida; Cabdulqasim iyo Odayaasha Muqdisho waxa ay Dhibaato weyn ka heysataa Gobolada Jubooyinka, wax walba oo ka dhaca goboladaas waxa ay u socdaan si ka horjeeda Danahooda. Ma awoodaan in ay dagaal ku fara geliyaan Jubooyinka waayo goboladaas waxaa ku sugan ciidamada Kenya oo xiriir wanaagsan la leh dadka Deegaanadaa. Waxa ay arkaan in hadii shirka Jubooyinka uu guuleysto ay meesha ka baxayso danahooda Dhulbalaarsi, dhiiro gelina ay u tahay dadka Gobolka Shabellada Hoose. Waxa ay dareemayaan in jaaliyada Goboladaas ee ku nool caalamka ay kaceen oo ay Har iyo Habeen ka hadlayaan Warbaahita. Waxa ay arkeen in Universal TV uu deynayo Baraamijyo dood ah oo loogu baaqayo qaar ka mid ah xubnaha kooxdan in ay ka baxaan Guryaha ay xooga ku heystaan ee ku yaala Muqdisho.
Arimahaas oo dhan waxa ay ku abuureen la-taliyayaasha Madaxweynaha ee aan soo xusnay Walaac ay tahay in ay xal u helaan, sidaas darteed waxa ay Madaxweynaha kula taliyeen in uu xooga saaro shirka Turkiga, si ay u helaan fursad ay ku naqshadeeyaan Xeelado cusub oo ay ku dejinayaan dadka gobolada Shabellada Hoose iyo Jubooyinka ee kacsan , ayna ku kala dilayaan.
Aawow Muudey
Tafatiraha Markanews
info@markanews.net
Banaadir Post