Ha is dhihin Qoraaga maqaalkan muxu sidaan ugu xag gudbaya xildhibanada ummada Soomaliyed, waa marka kowade su’asheydu wexey tahay ma adigaa doorty oo cod xalal ah miyuu ku yimid?, marka labaade Soomali ayaan isla nahaye sida qofkasto oo somaliyeed xildhiban meesha ugu jiro ayuu mid sheegta inu I matallo ugu jira liiska xildhibaanada, marka seddexaade, isla odayga doortay ee beeshada oday dhaqamedkeda sheeganaya ma isku raacsantahay beeshada mase yahay odaygi saxda aha ee besha matali laha kuna yimid xeerki xalasha ee beluhu lahan jiren mase yahay dadka lagu amini karo amanada oo ah dadka diinta ugu magic dartay ahalu xilli wal caqdi(أهل الحل و العقد ) mise waa qab qable afar jeeble dhaqan boob ah oo ka war helay in mesha wax xoga biilka caruurta laga keni karo hadi dhaman xilalki lawda xalufiyay, yaase doortay isaga laftiisa midkan odayga sheganaya ma kulan rasmi ah oo beshu yeelatay oo cod xalal ah lagu qadayay ayu kuso baxay.
Hadey sidaas tahay isla kulankaas ma ahaa mid beesha u dhameyd oo raali lagawada ahaa, hadan dhanka kale u dhigo oo an qafiifiyo wa sax lama heli karo oday dadka oo dhan wada taageersan yihin ama kulan dhaman besha kaso wada qeyb gali karto, ugu yaraan dadka sida dhabta ah u matali karo besha 50%maka ahayen daki joogay kulankas ama ababulkisa laha dal iyo dibad meley donan ha joogene maka qeyb galen oo ma aha kulan ka ugu yaran dadka aqonyahanka besha horboodayen, waxan filaya in dhaman su’alahan jawabahoda ya iska cadyihin, marba hadi xildhibanki aad u doodi lahyd odaygii kenayba uusan xeer dhaqanki xalsha aha ku iman wuxu xaalku isugu so biyo shubanaya maah-maahdi somaliyed ee qimaha badneyd (hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho).
Iiga filan arar iyo ciddi u doodi lahyd xildhibanka manta joogo sidu mesha ku yimid, marba hadu yahay mid sidas ku yimid waxa is weydin mudan maxa laga filan kara muxuse uso galay barlamanka ma inu matalaa masiirka beshisa mise kan guud ee umadda, hadan ku bilabo kan beeshiisa .
u maleyn mayo odaygi dhaqan boobka aha iyo wiilki odayga dhowr cisho dabka u shiday in labadoduba marki hore waxa isu kenay ay ahyad dan beel ama dan ummad midoodna, balse ay ahayd dhuunni iyo dana gaar ah, oo midba mid kale islaha waad ka heli, mida hore o ah in odayga islaha wiilkan aad ka xildhibanka ka dhigtay wuxu kula korin dona caruurtada ama mustqablka wixi dano ah ee kaasoo gala dowlada ama isaga shaqsiyyan si fudud ayad ku heli doonta iyo wiilka xildhibanka laga dhigay oo isaga laftiisa laha dano ka weyn midda odayga lahaay.
waana mida kentay in odayga is moodsiiyo inuu xildhibanka gacantisa ku jiro isana u yahay nin uu isaga kensaday oo kursiga mesha uu isaga ugu fadhiya marka laga so tago magaca besha oo iyada kaliya ah mid lagu awr kacsaday hadyesn arinku sidaas ahyn, waligiin ma aragteen xildhiban magaca beshisa ama kan ummada somaliyed ku hadlaya misana ku doodaya, maxa school loga dhisi wayay degan hebel mexey dowlada mashaariicda oo dhan xamar ugu so wada lexsiay markas saas leyahay ma’ahan in aan casimada wax u diidanahay ee xildhinada dhamantod lagama so wada dooran xamar ama xamar kaliya ma ma talaan, mexey dowlada waqtigii ay ku balan qaday amanka in ay wax ka qabaneyso uga so bixi weysay xita hal xafad kaliyaba alaha ka dhige, iska daa inu sidaas ku doode odaygi isaga mesha geyay aya waxa adkaatay iney is helan ama taleefanka xita ka qabto iyada oo an wada ognahay in qofka somaliga ahi marku xil yar ama darajo yar u kororto waxa ugu horeyo e lagu yaqano iney tahay inuusan telefanka qaban xita dadka waalidka ama walalka ah saxiib iskaba daa warkisa, marka barrito xilka dhamado muxu dadka ugu jawabi doona illen kaba so qabo waa tan dowladi ugu horeysay ee an ku meel gaar ahayn wexey jiri doonta ila 4sannadod markey afartas dhamato ma dalka ayu isaga guuri dona mise intuu is miskiniyo ayu dadka ku dhihi dona dowlad aad ayey u howl badantahay sida isago holw qaran ummada u hayay o kale innago wada og hotel la seexdo ama maqayad cunto laga cuno iyo xildhibanada isaga la midka ah iney fadhi ku dirir wada galaan mahe inuusan holw dolwaded waxba ka ogeyn.
Waxa jirto sheeko somalida ka shegan mid ka mid ah wadama darsika in nin xildhiban ah oo an waligiis baarlamanka ka hadal uu maalin gacanta taagtay iyada oo loo wada aamusay madama uusan waligiis gacanta taagan ama ka hadlin barlamaanka laakin sidi loo aamusay arrinta uma dhicin e ninki aan waligis hadal eemnata gacanta taagtay wuxuba u taagtay inuu u fasax qaato suuliga, taa oo xildhinadi kale aad uga qoslisay iyago marki horeba la yabana ninkan mata gacanta taagtay waxan is leyahay kuwaa oo kale aad ayey uga buuxan midkan manta noo wata magaca barlamanka ee sheganaya inu umada matalayo.
Arinta iigu yaabka badan wexey ahayd marki qof bulshada ka mid ah uu I shegay inuu nin la ehel aha talefankisa gacanta ka wacay isago u wacayay inu ka tacsi guto misana uusan ka qaban , hadaba waxa is weydiintu tahay ma inaga waalan mise dadkan xildhibanada no ah ayaa xaalka ku xunyahay oo xeyrsan hadan gabagabada maqalka uso gudbo wey cadahay in inaga laftirkena ay walidu dhan naga heyso illen waxan ummad masiirkeda ka sugeyna xidlhiban aan xaq lagu so doran mise doortay dowlda aan iyadana xaq ku dhisneyn.
Waana wax cid walbo kawada dharagsantahay in raga maanta horboodayo dowlada aanan lagu so doran cod hor ah ee laaluush iyo intuu cali so bixi laha cumar ha beeseesto taa oo iyana cidkasto oo manta siyasada somaliya wax uun kala socoto ay fahmi karto hadaba wexey gunti ama guunanadki arrintu iskugu so biyo shubaneysa xildhibanka manta jira inuusan magacaas u qalmin ciddi wax ka sugtana ay kasi xuntahay, sababtuna wey caddahay qof an si xalal ah ku iman howl xalaal ah umada inu u qabta laga sugi maayo.
Banaadir Post.