DHAGEYSO:- “Dowladdu waxay rabtaa inay maamul u samayso Jubbaland inaguna waxaan rabnaa dowlad goboleed”Cabdinaasir Seeraar oo ka mid kuwa hor boodaya Shirka la doonayo in Maamul Gobaleed loogu sameeyo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

25436035C/naasir Seeraar oo ka mid xubnaha ugu cad cad ee hor boodaya Shirka la doonayo in Maamul Gobaleed loogu sameeyo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah hadafkeedu yahay in Gobaladaas ay Maamul u soo Magacaawdo iyaguna ay doonayaan in ay dhistaan Dowlad Gobaleed.

Qodobadaas iska hor imaanaya ayuu sheegay in ay sabab u yihiin Muranka iyo is Maandhaafka Siyaasadeed ee labada dhinac u dhexeeya.

Seeraar ayaa sheegay  in damacadoodu yahay in dhawaan la doorto Madaxweyne Gobaleed inkastoo ay jiraan qadobo badan oo qorshayaashooda xagal daaci kara.

waxaa jira rag u taagan in ay madax ka noqdaan Maamulka Jubbaland oo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe, Sheekh Maxamed Shakuul iyo Maxamed Cabdi Gaandi laakiin dhawaan ayaa odayaal Kismaayo jooga oo raggaasi ay isku beel  yihiin waxa ay sheegeen in Axmed Madoobe ay u caleemo saarteen in uu Beesha Murushax u yahay Laakiin Maxamed Shakuul ayaa sheegay in odayaashu ay yihiin kuwo hal dhinac ah oo ka tirsan sida uu yiri Xafiiska Axmed Madoobe.

25408185

Seeraar oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in qofku markuu Meeshuu rabay iska waayo wuxuu doono uu sheegi karo asigoo u muuqday in uu difaacayo Axmed Madoobe Maadaama Seeraar Afhayeen u yahay Maamulka iminka Kismaayo ka jira ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Dhanka kale Seerar waxa uu qiray in Ciidamadoodu dhac iyo dil ay ka geystaan Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Ciidamadoodu yihiin kuwa wecyi gelin aan qabin taasna ay sabab u tahay Boobka iyo dilka ay geysanayaan.

“Shirka Kismaayo Waa Sharci Darro,Wixii Kasoo Baxana Ma Aqbali doono”.

Cabdi Kariim Guuleed  oo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka ugu magacaaban Dowladda Federaalka ayaa warbaahinta ku hadasha Afka DF-ka u sheegay in shirka Kismaayo ka socda uu yahay  mid sharci darra ah oo khilaafsan dastuurka Mahiga ee DF-ka ku dhaqanto.

“Mowqifka xukuumaddu waa mid cad shirka Kismaayo waa sharci darro  kasoo horjeeda dastuurka dalka,dowladdu markale waxay ku celinaysa in aan la aqbali karin waxa shirkaasi kasoo baxa”ayuu yiri Cabdi Kariim Guuled.

 

25219531

Halkan Ka Dhageyso ama degso codka Cnasir Seeraar

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25142284

Banaadir Post.