Waa gabay xaqqi ka hadal ah, wuxuuna soo koobay dhibka Somalida ku habsaday,kaaso salkiiso yahay waxa loogu yeero 4.5.
In qabyaalad ay qalad tahay quusna laga joogo
ooy qaranki soomaaliyeed qaribtay oo liidday
oo qasaare mooyee waxkale lagaba qaadeynin
isla qiratay soomaalidu waana qaateene
Qunful bay qalbiga kula xirteen qodobbo waaweyne
qandho fuulka waa wada qabaan loo qafaalnaaye
naftaa lagu qasbaayaa waxay qaadan kari hayne
kolba qiil qaddiimooba baa lagu qancinayaahe
Qasnadaha calooshay utaal qiiradeediiye
inkastoo la qiiq saarayoo qariya loo meersho
sida lagu qasbaayoo kaleey qaar u qiimeyne
qaati bay kajoogaan haddana qubina maayaane
Inta kale qilaafaa layiri qaata yaashiiye
qaamuuska baa loogu qoray isla qabweynaane
intii loo qiyaasey qabtaan qeyb dhibaateede
qeyr kastoo cidkale yeesho waa quursanayaane
Qabatoonba weeyoo marbay qulubka doonaane
qalad uu duqoodii fareey qolo ku laayaane
ama lagu qisaasaa intay qabar sugaayaane
qamac kulul qadwaan aan lahayn qaaqan laga waaye
Qodqodaha qabanqaabiyoo ugu qabyaaleysan
oo qisooyinkeediyo yaqaan qarasta raadkeeda
oo qoqobka gaarsiin kara qararka maankooda
oo ugu qabiireysan baa qaan dhowguu falo e
haddii dhiigga lays qubo markuu xaajo qurumeeyo
ameey qaaba qowseen gashuu soo qotomiyaaye
dabadeedna qaaraamaduu qaadis dhurayaaye
qurbaha koleey tahana qaad waxa quruush yaale
qori iyo rasaas buu kugadi qalab wax laayaahe
qudha duul kaleetuu kujari qarash masaakiine
inkastooy qalibnaan tahoon lagu qaboobeynin
qasad weeye quruum laga dhaxliyo qodob horuu yiile
Qabqable ciddii aan laheyn waa la qeybsaahe
qabuuraha ciddii aan badeyn waa la quursaniye
qoondaaba loo badin ciddii qeylo badisaahe
qarankaba wuu eeday waa ii qabweyneeye
Qaadiroow naga qabo adaa qawi leh oo weyne.
w/t, xagaleey.
Banaadir Post.