Maansadaan waxay ka hadleysaa heerka Maanta gumeystuhu gaaray oo ah in uu gudaha Dalkeena dhaqamadiisa iyo Baybalka uu ku faafinayo Dadkana kagadhigayo wax wanaagsan!.
Dhaqaalaha Dalka ee uu guranayo iyo Dadka qabbaanada u noqday oo iska Indhatiray amarkii Ilaahay iyo Dariiqii Rasuulka (CSW).
Sidoo kale Maansadu waxay taabaneysaa oo ka hadlaysaa fuleyga iyo Geesiga. Gabay gaygu waa dhiiragalin iyo in horay loo sii socdo.
Abwaan, Saxafi C/laahi Yaasiin Jaamac (C/laahi Soomaali) wuxuu yiri,
Dhagayso Gabayga Abwaanka MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Bedelkii Shareecada ayay Baybal geliyeene,
Umaddii bogsootee Kitaab baran jiray kheyr leh,
Muusigii Balaayay dhegaha ugaga beegaane,
Xijjaabkii bartii lama arkoo Baati lagu yaacye,
Xaqqii beylah yeeliyo wixii lagu badbaadaaya,
Baadil sare u qaadiyo wixii lagu ba’aayo dhan,
Boqol boqol dadkii ula kulmoo Been u dhige weyne,
Baxnaaniyo in ay nabad wadaan iyo barwaaqo dhan,
Bini aadamkii ugu wacnaa loona bogi doogo,
Buuryaalahu inuu yahay ayay u Bandhigayaane,
Alle Nin uu badbaadiya oo bixiyo Mooyaane,
Barbaartiyo Caruuurtiyo haween Bohol ku daadsheene.
Bud dhiggii warkeygiyo hadaan biyo dhicii gaaro,
Bulshadeeni Soomaaliyeed Gobal beloobeene,
Badar iyo jagaa lagu siroo bixiye Ciiddiiye,
sidey baad ku dooneen koley bulaal lagu waaye,
Kuwi baadiyoobee ambaday daba boqoooleene
Baraa’iyo go’aan adag Muslim badi ka qaateene,
Bahwadaag ka yeeshee kufrigi baarada lahaaye,
Bayaankiyo qoraalkiisabay baahinahayaane,
Buuraha kala culus wuxuu Beri u sheegaaye.
Boqnaha naga kuwii jaray baydda iyo saabka,
Ilaahay kuwaa baal maree budul Ibliis qaaday
Ee Rasuulki beeniyay ayaad bari gentaasheene,(CSW)
Basaas iyo ilaalo iyo buun u noqoteene,
Bir madkiin Hadaanuu heleen beri ma joogeene,
Alleylahe ba’iinii ayaad u bir tumateene.
Baaryar Caanaheedi iyo bilan iyo dheeho
Koron bowdyo waaweyn iyo baarqab hilibkiisi
Baruurta Riyaha iyo Deyla barideede,
Beeraha Mirahoodiyow bashuuqsanayaaye,
Adinkaa barbaarshoo Kufriga buuxshay garabkiiye,
beer jileec xad dhaafuu Arkiyo bihinbiskeeniiye,
hablaha middii bilic qurxoon beegso malayne,
baynaadiyo inta uu la dhaco qoriga baadkiisa,
barqadii intuu xooga oo ba’ay kaga siiyo,
iyadoo barooree tartiib uma boqooleene,
maraakiib kama buuxsadeen badda wixi yiile,
inta boono gooyoo haddaa idin ma baadeene
wax banaanka loo dhoofshiyo badeecada taalla,
daqligii ka soo baxa haddaa badi ma qaateene,
Bukaaraha wixii noogu jiray muu la bixileyne,
Dumarkaan basaasayi haddaa booyi malahayne,
Shareecada Ninkii baahiyoo aan ka baqin gaalo,
bartamaha Dalkeena haddaa kuma biriyeene.
Baar ubax Cadawbaa fadhiya iyo Balaagsiiye,
Boondheriyo wardhiigley ayuu biir ku cabayaaye
Balcad iyo Jowhar ayuu Duhur Bagaaxaaye,
Bandow aan dhamaanow ku ragow qoonki Beledweyne,
Guriceel intuu boobayeey buugga ugu taale,
Buurhakabana wuu degay iyo Baydhabiyo Luuqe,
Kismaayo, Badhaadhe iyo Beledki Ceel waaqba,
Berdaale intuu naga qabsaday iyo Beled xaawo,
Buusaarna waa kaa fadhee turub ku baandheeye,
Baraarugey ka kaca hurdada weydin badiseene.
Intaasi bayaanshaye hadaan beydad kale sheego.
baygag iyo fuleynimo ragay Bohol ku tuureene,
baqdintuu Alle nagu lahaa Gun iyo baarkeeda,
barbar kale in loo weeciyaan belo ka weyne,
Gaalo Bururugteedi iyo Beenti iyo Guuxi,
Bowdo qaawiskeedi iyo Booto iyo dhaarti,
barbariiqadkoodiyo ma ogi Bootin iyo roore
bidhaantood ragaan weynayoo biiqo Carareene,
Nin Iimaanku uu bolol noqday amase Buunshoobay,
Nafta uu baqeyliyo cabsida Laabta uga beeran,
beycaduu Ilaahay la galay wuu burburiyaaye,
Boqorkow na taageer Adaa bixiya liibaan’e.
Nin Iimaan ku buuxo jihaad wuu u baxayaaye,
bam gacmeed intuu qaadayoo Buntukh iyo Maarta,
beryo wuxuu lugeeyoo, haraad ba’an dareemaaba,
buska iyo dabeyshiyo wuxuu baahi u adkeysto,
bacad iyo wixii uu dhexmaro buuro iyo jeexyo,
bah dugaag waxay Maagta oo bixiyuhu dhaafsho,
barti uu u jeediyo markuu buuryaalaha gaaro,
bisinkiyo Takbiirtiyo intuu Aayadaha boobo,
boor iyo habaas intuu Bus hawada geeyo,
wuxuu Gaalka beyle diloo Baas kula jeexo,
Bartamaha wadnaha iyo baso iyo dhuunta,
baaruuduu ridaayo wuxuu beerka uga toogto
baqti iyo kolkaad dhaawaca bal iyo caweys mooddo
baxsadkiyo intuu ceyrsado baqaha kii doortay,
Beynaad iyo abley iyo intuu burris adag qaato,
balaw iyo cabaad iyo markuu boohin kaga yeersho,
banaadiikh Asigoo furtiyo weliba baabuurti,
oo baroon dushii saaranoo aan baqdini haynin,
Birmadkii Walaalahii ahaa wey u bogi saase,
Bariisiyo dharaar iyo Galab, barqo iyo Fiidki ,
Bursada haddii lala dhacoo weyska baxayaye,
ka baanta cabsidoo kurfiga booca kala gooya,
Markii uu baqoolee xornimo buuxda aan hanano
Xamar iyo berbera iyo boosaaso mideeya,
Baarey iyo Danood iyo jig jiga, qabri bayax gaara,
Kenyaatigu dhulkuu boobayoo beri hore qaatay,
Baryo looga waayaye awood baahsan kaga doona,
Kufri waa Bil sii dhici iyo biyo gurayaaye.
Waxaa Maansada tiriyey Abwaan, Saxafi Cabdullaahi Yaasiin Jaamac (Cabdullaahi Soomaali)
Banaadir Post.