DHAGEYSO:-Nabadoon Guuleed ” Sheekh Nuur Baaruud Isagoo Horay Indhaha u la’aa Ayuu Qalbiga belay,Shacabka Waxaan Leenahay Warkiisa meel iska dhiga”.

25427860Golaha dhaqanka islaamiga beelaha Hawiye ayaa ka Jawaabay weerar dhanka afka ah oo uu dhawaan shacabka Muqdisho ku qaaday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah hay’adda Nabad sugidda DF-ka.

Nabadoon Maxamed Guuleed Afhayeenka golaha dhaqanka islaamiga Hawiye ayaa sheegay in Baaruud Gurxan oo ku fatwooday in lalaayo shacabka magaalada Muqdisho isagoo ku sheegayo Nabad diid la shaqeeya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dhaqanka Hawiye waxay Sheekh Nuur Baaruud u sheegeen in dadka Muqdisho ay kala ogyihiin cadawgooda iyo saaxiibkooda sidaasi darteedna aysan waxba u dhimayn Fataawaadka Bugta ah ee ka imaanaysa wadaadada AMISOM ee faraya in lalaayo dhalinyarada Muqdisho.

Gurxan waxaa lagu eedeeyay in waligiis uu la shaqeyn jiray dowladihii dalka soo maray khaasatan dowladdii Siyaasadda Barre oo uu ugu fatwooyin jiray in ay ka hor tagto kooxihii mucaaradka ahaa.

Afhayeenka beelaha Hawiye wuxuu ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in aysan dheg jalaq usiin Baaruud Gurxan oo uu ku tilmaamay Indhoole qalbi madoobaad ku dhacay sidii uu cadawga ula shaqeynayay.

“Sheekh Nuur awal indhaha ayuu la’aa oo waa la ogaa hadda qalbiga ayuu beelay,soomaalidu waxay tiraahdaa Nin ciid kugu xaaray calooshiisuu ku tusaye wax kuuma dhimin haddane Nuur Baarood waa noo caddaatay in uu qalbiga la’yahay”Guuleed.

Axmed Macalin Fiqi Taliyihii hore ee Nabad sugidda DF-ka ayaa sheegay in Sh.Nuur Baaruud uu kamid yahay Nabad sugidda dowladda uuna yahay jiheeyaha dhanka Caqiidada Halkan Ka dhageyso Fiqi oo qiraya in Baaruur Nabad sugidda kamid yahay MP3.

Warkan kasoo baxay dhaqanka Hawiye ayaa kusoo aadaya xilli shacabka magaalada Muqdisho dacaayad kala kulmayaan wadaadada Dowladda Federaalka taageera.

Halkan Ka dhagayso Wareysi ay Alfurqaan la yeelatay Maxamed Guuled MP3

25237607

Banaadir Post.