Waxaa la xaqiijinaya in Ciidamo katirsan xarakada Mujaahidiinta Alshabaab si buuxda ula wareegeen Deegaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanka Kenya iyo maleeshiyaadkii la socday ay carareen dhanka dhulka Soomaalida ee Kenya gumeysato,Kulbiyoow ayaa 45 KM ujirta xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Jubbada Hoose waxayna bilihii lasoo dhaafay ay marin u aheyd ciidanka gumeysiga Kenya ee Badhaadhe heysta.
kulbiyoow iyo nawaaxigeeda ayaa maalmahaan waxaa kusoo qulqulayay hay’addo dadka ku dhiira galiyay in dhirta ka dhigaan dhuxul kadibna lacag adag kusiiya.
Banaadir Post