Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa maalinba maalinta xigta kusoo baraarugaya qorshaha gumeysi ee Dowladda Kenya ladamacday Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.
Mujaahidiinta xarakada Alshabaab oo ah quwada kaliya ee ka dhiidhisay duulaanka Kenya iyo Damacooda Dhaqaale ee ka dhan ah Jubbooyinka ayaa horay usheegtay in Dowladda Kenya doonayso in Jubbooyinka iyo Gedo hoos geyso Gobalada NFD la isku yiraahdo oo haatan gacanta Kenya ku jira.
Dad badan oo isagu jira Aqooyahano iyo Odayaal ayaa lagu qalday shirka ka socda Kismaayo oo la sheegay in lagu dhisayo Maamul labaxay Jubbaland State.
Rag badan ayaa kabaxay shirka Kismaayo kuwa kalana waxaa lagu qasbay inay ku nagaadaan shirka inta looga dhawaaqayo Maamulka.
Aqooyahan Maxamed Cali Xuseen waxa uu kamid ah aqooyahano Muqdisho ka tagay si ay kaga qeybgalaan shirka ka socda Magaalada Kismaayo.
Aqooyahanka ayaa isagoo lahadlayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho wuxuu kahadlay waxyaabihii uu ku soo arkay howlka shirka iyo waxa keenay inuu isaga baxo shirka.
Aqooyahanka oo kamid ah Dadka ka soo Jeeda Gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay inuu kamid ahaa Ergadii ka qeybgalaysay shirka islamarkaana uu soo arkay waxyaabo cad oo muujinayo in Kenya duulaankeeda uu yahay mid gumeysi oo doonayso in Jubbooyinka ay ka jarto Soomaaliya Inteeda kale.
“ujeedka shirka Kismaayo waa gumaysi cad oo Kenya ay ku rabto y in gacanta loo galiyo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo oo lagu darro gobalada la isku yiraahdo NFD” ayuu yiri Aqooyahan Maxamed Xasan Cali.
Aqooyahan Maxamed Xasan Cali ayaa sidoo kale sheegay in ceelal shidaal oo ku yaala Jaziirada kudhaa la doonayo in lagu wareejiyo Dowladda Norway.
“waxaan kaloo soo ogaaday in Ceelal shidaal lagu wareejinayo Dowladda Norway oo horay heshiiskaasi uu ula saxiixday Ra’iisul Wasaarahii hore Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas”ayuu yiri Markale Maxamed Xasan.
Si kastaba ha ahaatee Dowladda Kenya ayaa haatan waxaa gebo gabo u ah shir ka socda Kismaayo halkaasi oo doonayso inay ku dhisto Maamul Maqaarsaar ah.
Banaadir Post