Waxaa guuraya Turkidii soo gaaray Moqdisho,cabsi iyo amaan xumo ka jirta magaalada Moqdisho awgeed ayay isagu tageen meelo cayiman.
Turkida ayaa og ama hada ogaaday in moqdisho tahay magaalo dagaalo ka jiraan la iskuna haysto,qeybna ay ka yihiin dagaalkaas ka socda Moqdisho,shiishkuna saaran yahay, maxaa yeelay maalmo ka hor ayaa lagu qarxiyay Moqdisho kuna waayeen dhowr ka tirsan shaqalahooda.
Waxaa iska arkay ganacsatada iyo dadka danyarta ah oo ku nool Moqdisho waana meesha colaado uga bilaabatay,waxaana inta badan la shaqeeya NGO-yada Maxaliga ee Moqdisho ka howlgala waana meesha dhibku uga bilowday.
Turkiga ayaa Moqdisho ku yimid Mucaawino iyo mashaariic qarsoon,laakin maalmahan danbe la arkayay wajigiisa runta ah.