Waxaa Cirka isku sii shareeray Qilaafkii u dhexeeyay Kooxaha ka qeybgalaya shirka ay Kenya iyo Axmed Madoobe ka fureen magaalada Kismaayo ee lagu doonayo in lagu dhiso maamul Kenya hoos tega oo Dowladda Kenya si toos ah Amarka uga qaata.
Dagaaloogaha Kooxda Raaskaambooni Axmed Madoobe iyo Wadaaddoo Siyaasiyiin ah oo katirsan Beeshiisa ayaa isku mari la’ cidda Ogaadeen u metelaysa Hoggaaminta maamul loogu magac daray Jubbaland ee Kenya hoostaga. Maxamed Shakuul oo dhawaan Kismaayo gaaray kuna dhawaaqay in uu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxtinimada Jubbaland ayaa eedayn kulul ujeediyay Axmed Madoobe oo uu ku sheegay Shakhsi kooxaysi wada.
“Khilaaf majiree kuwa taabacsan Axmed Madoobe ayaa yiri Absame wuxuu murashax ka dhigtay Madoobe arrinkaasi waxba kama jiraan waaye aniga ayaa ah murashax”shakuul.
Ismari waaga ka jira shirka Kismaayo ayaa sababay in Ergada qaar ay isaga baxaan shirka iyagoo Kenya ku eedeeyay in ay qabaa’iilo gaar ah jagooyinka muhiimka ah la raadinayso.
Dhagayso Shakuul Oo Afka Furtay MP3
Banaadir Post