Wadaaddada Al-Ictisaam ee lahaa waxaan ku gaaraynaa xukun si dhib yar, Ilaahay wuxuu qadaray in banaanka ay u tuuraan Qabiilada ay kadhasheen intaysan Soomaaliweynta la sheego aysan gaarin, waayo Qabiilka Soomaaliyeed ee doonaya Nin Wadaad ahaan jiray ama Wadaad ah?.
Waxaan xasuusannaa waagii Puntland la dhisayey 1998 ayaa Shirkii Qardhood waxaa ka istaagay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax, wuxuu ku yiri Reer Tolkiis Kitaabka Ilaahay nagu xukuma, waxaa inta ku Qoslay u jawaabay Islaankii Beesha Ciisa Maxamuud, wuxuuna ku yiri Sheekh C/qaadir waan ku maqalnay laakiin kaama aanan qaadan!.
Islaanka iyo Sheekh C/qaadir Labaduba waa naga hooseeyaan Maantay, Ilaahayna waxay la hortagayaan wixii Camal ah ee ay Adduunyada shaqaysteen. Wadaaddada Al-Ictisaam waxay ku fakareen in Dastuur la qaato, Shaatiga oo dhinaca kale loo gashado iyo Diinta Ilaahay oo laga been sheego in lagu helayo Sharaf, xukun iyo Adduunyo. Wadaaddo badan sida C/raxman Aw Cumar ayaa Xildhibaan intay Muqdisho u doonteen oo Xeryaha Amisom galeen ayaa Qabiiladii ay kadhasheen ku yiraahdeen Wadaad dooni mayno!.
Wadaaddada Inxiraafay waagii ay Mujaahidiinta ahaan jireen waxaa la dagaalamay waa Qabiilada ay kadhasheen, dagaaladii Boosaaso, Gedo iyo Soomaali Galbeed dhammaan Qabiilo Soomaaliyeed ayaa Wadaaddada dhabarka jabiyey, Soomaalidu Wadaadka haddii laga dilo waa u baroortaan laakiin haddii uu xukunka iyo Shacabka in uu hogaamiyo usoo xayto waxay kudhahaan Yac war naga fariiso.
Hadda Shakuul Odayaashii Absame iyo Adeerkood ayaa waxay ku yiraahdeen gaalada ayaan wax ka sugaynaa, Kenya Fanriiska Nin xiriir la leh dooni mayso, Nin Wadaad ahaan jirayna lafahooda ayey oga baqayaan, marka Gaandi iyo Shakuul iska jooga, waxaan donaynaa in Axmed Madoobe doorashada Beesha u matalo.
Haddii aad xasuusataan, waxaan Idiin sheegnay Jaalle Daarood in ay ku hishiiyeen in Ogaadeenka la siiyo Madaxweynaha, ku xigeenkana la siiyo Mareexaanka meelaha Macmacaanku yaalana Hartida la geeyo sida Maaliyadda, Dekadda iyo Gooramada, Guddoomiyaha Kismaayo ama Duqa Magaalada Kismaayo.
Beelaha Gaal Jecel iyo Qabiilo kalana waxay dheheen Ciidamada ayaan u dhiibaynaa, waxaa Idaacadda VOA la hadlay Ugaas Cumar Ugaas Xiiraay oo xaqiijiyey in Axmed Madoobe matalayo Beesha Absame iyo Adeerkood, banaankana loo tuuray Shakuul iyo Gaandi.
Dhinaca kale waxaa VOA waraysi la yeelatay, Siyaad Maxamed Mursal oo go’aanka Odayaasha ku tilmaamay in aan laga fiirsan isla markaana cid u dhan aysan jirin. Wadaaddada Al-Ictisaam siday Dastuur, gaalo, Murtadiin iyo Qabiilo udaba ordayaan ayaa Geeridu u imaanaysaa!.
Dhagayso VOA MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Isha Maqalka VOASOMALI
Somalimidnimo.com
Go’aanka Sheekh Shakuul
http://www.galcad24.com/goaanka-sheekh-shakuul/
Banaadir Post.