Sidaynu lawada socono tododobaadyadii u dambeeyay waxaa aad loo hadal hayay sanam aad umadda Soomaaliyeed guud ahaan uga cadhaysiiyay gaar ahaana shacabka Ogaadeenya ay si aad u weyn uga cadhoodeen oo uu Ina Iley Jigjiga ka taagay, Samankan oo dhiigyacab Meles Zenawi loo ekaysiiyay ayuu Ina Iley sheegay in uu Meles ku maamuusayo.
Sanamkaasi wuxuu abuuray guux shacab oo aad u xoog badan kaas oo gudaha dalka Ogaadeenya & dibadiisa siweyn looga dareemay, tan & intii Sanamkaas Jigjiga laga taagay waxaa soo baxayay warar faro badan oo sheegaya in uusan guuxa & saluuga Samankaasu Soomaalida kali ah ka imaanayni islamarkaasna ay Itoobiya lafteedu aad u saluugantahay sanamkaas.
Sida ay ilo aad xog ogaal u ah noo xaqiijiyeen waxaa Sanmakaas dhiigyacab Meles Jigjiga looga dhisay si weyn uga biyo diiday guud ahaan Qomiyada Tirgeega gaar ahaan ehelkii & qoyskiisii oo ku doodaya hadiiba Taallo loo dhisayo waxay ahady sidan.
1- in ay dawladu ogolaansho bixiso
2-in qoyskiisii lagala tashado.
3-Addis Ababa laga dhiso
4-iyadoon muuqaalka sanamku Meles u ekayn
Qodobodaas & kuwo kale oo ay dhiigyacab Meles Zenawi ehelkiisii soo gudbiyeen ayaa la sheegayaa in ay Xukuumada gumaysiga Itoobiya hoosta ka xariiqday si buuxdana u soo dhaweeysay waxaaan qoyskiiloo sheegay in ay talaabo laga qaadayo cidii arintaas kadambaysay, hadaba waxaa ugu horayn indhaha loo guduudiyay gacanyaraha gumaysiga Abdi Iley oo isagu mudoonikii dambe ka faa’iidaystay geeridii dhiigyacab Meles si aad ahan isu daadraaciyay oo waxyaalo badan oo aan cidi u dirsanin iska dardaray isagoo doonaya in uu gumaysiga ka darariyo si loo sii aamino.
Hadaba dhawrrkii maal mood ee u dambeeyay ayaa Ina Iley lagu soo kululeeyay waxaana lasheegayaa in lagu amray in uu Salamkaas dumiyo 3 daas qodob ee kore ayaana loo cuskaday, sida ay ilo wareedada xogtan laga helay sheegayaan Ina Iley oo jini xaqsay ah ayaa ku cataabaya waxaa dhismaha Sanamka igala shaqaynayay oon ogolaanshiiyo ka haystay qaar kamid ah Saraakiisha Tigreega ee Ogaadeenya ka hawlgala waxaa kale oo uu ku andacooday in ay Maamul ku sheegiisu go’aan midaysan ku qaateen dhismaha Sanamkan.
Sida xogahani ay muujinayaan Ina Iley aad ayay ugu liicsantahay waxaana aad loogu adkeeyay in uu sida ugu dhaqsiinyaha badan Sanamkaas u burburiyo arintaas oo liqi qaa waa tufi waa ku noqotay ayaa magaalad Jigjiga aad looga hadal ahyaa waxaana magaaladaas laga dareemayaa xumad sare oo arimahaas ku saabsan lamana oga waxa uu Ina Iley ku dhaqaaqi doono.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com
Daawo Amuurtaan Melas Zinawi O Taalo Wayn oo Lagu Xasuusan Doono Laga Dhisay JigJiga!!
Banaadir Post.